Aabahii Xoriyada Somaliland

0
Friday May 17, 2019 - 10:23:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabahii Xoriyada Somaliland

    16/5/019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

16/5/019 Waa cumar carte qaalib ku dhashay hargaysa sandkii 1930kii , ahaana raysalwasaarahii ugu danbeeyey ee dowladii siyaad bere , ahaana raysalwasaarahii dowladii cali mahdi maxamed ee lagu soo dhisay djabuuty, waxa uu haa wasiirkii arimaha dibada sanadahii 1969---- 1977kii,waxaanu soomaaliya ku daray jaamacada carabta ,



7 jun sankii 1982 kii cumar iyo 16 kale waxaa laga saaray xisbigii XHkS ,waxaana loo taxaabay xabsiga ,waxaana , 7 February sandkii 1988 kii waxaa lagu xukumay dil, iyadoo lagu eedaynaayo inqilaab, laakiin way noqon wayday ,


Hadab intii uu ahaa raysalwasaarahii dowladii cali mahdi waxa uu ku guulaystay in uu joojiyo dagaalkii ay jabhadu kula jireen ciidamadii siyaad bare jabhadaas oo aan u habbaysnay in ay xil kal wareegaan amaba soo dhisaan dowlad , waxaanu yidhi " ciidamadu ha isku dhiibaan jabhadaha” taas oo suura galisay in ay jabhadii soo galaan gudaha dalka lana wareegaan gaar ahaan S.N.M .U.S.C, U.S.P, in kasta oo uu jiray heshiikii mustaxiil ee sadexdaa jabhadoo u dhaxeeyey ,kaas oo dhigaayey in sadexdaas jabhadood soo wada dhisaan dowlad marka siyaad barre la rido,


Hadab hadalkaa cumar carte waxa uu u suuro galiyey S.N.M in ay qabsato goboladii waqooyi .halkaas oo ay deganaayeen ciidamadii siyaad barreugu xooga waynaa, S.N.M waa la ogaa oo waxaa dhexdooda ka jiray khilaaf aad u cakiran oo markii danbe sababya dagaalkii sokeeye,U.S.C na waxaa jiray laba garab oo taasina waa ta sababtay markii danbe dagaalkii sockeye ee xamar ka bilowday, hadii aanay jirin kalmadaas cumar carte yidhi kana yidhi BBC , su aashu waxay tahay jabhadahii ma usuuro gali lahayd in ay dalka qabsadaan ? waa maya, weedhaasi waa taas burburisay ciidamadii siyaad bare waa weedhaas,


Gabogabadii

Markaa cumar carte waa aabii xoriyada somalilaand ama rumayso ama rumaysan,. Waan ninkii u sii dhamayeey dowladii siyaad bare, ina biixi iyo ina kaahina iyagaa laga rabaa in ay dalkan ictiraaf u keenaan , dhalinyaro danbe oo badaha ku leeanaysaa iyo jiil jiil ku dul dumayaa ma jiridoonee ,


By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...