Hayb-Sooc: W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

0
Tuesday September 21, 2021 - 10:23:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayb-Sooc: W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    "Ummad gacal geesi baanu nahay odaya goolmoone"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ummad gacal geesi baanu nahay odaya goolmoone"


Gabyaa Siciid muuse Sheekh madhibaan oo Haybtiisu Hufane Tahay kasoo jeeda Sanaag bari, ayaa waxa Weydiin uu weydiiyey Qoraaga Abdiqadir Aroma (AHN) waxay u dhignayd sidan:




Hadii Hufane degan laas-qorey, Hawraarsame degan geddo, Hawle degan dirir-dhaba, Xoryeel deggan bender-bayla, muuse-dheriyo Deggan Hargiesa, iyo Eeyle deggan Baay sidee bay ku noqon karaan Hal To oo Qaadhaan- wadaag ah?



Jawaab haboon looma hayo Se waxay u eegtay jawaabtii Siciid muuse (Eebbow Ajigu goob wada deggay nagu gumeysteen).Waa kan gabaygii siciid muuse sheekh madhibaan:


-Hadii Eebahay nagu gallado boqolkunoo geella
-Oo guunyada lo'aad iyo Ginni cas naloo dhiibo
-Faras Gaaddo weyn iyo hadii adhi naloo gooyo
-Gidigood gabooye haduu gaar iskugu baydho
-Intaasoo Gamaamudan haduu eebe nagj gaacsho
-Gob inaanu Noqon waan hubaa Guuxa doqomeede
-Gartana guurtidaan noqon lahaa Gollaha waaweyne
-Amarse guulay soo dejoo reerkayaga gaadhay
-Gacan madhan way gooman tahay goor iyo alleyle
-Garbahayga kala goosmay baa guuldaraday keenay
-Garaarsami ma diidani ilaah gogol dhigiisiiye
-Wax i gubaya guufkaa madow hadal guhaadeede
-Gu' nin jirey nin wada goostay iyo Gaane iyo sheybe
-Gambooleyda naaguhuna waa nagu Gunuusaane
-Nabsi gudaya Eeboow nasii Oo guriga noo dooji
-Allow guulle noo fidi gargaar samo na gaadhsiiya
-Ummad gacal geesi baanu nahay odaya goolmoone
-Madhibaanka goonyaha dagee kala gawaan raacay
-Muuse dheriyo gacanta labaad gabalba meel aaday
-Iyo gooni daaqoow yibraha Gabalba meel joogo
-Garabkayga Tumaalada dhulkaa Aad u kala Goosmay
-Hawlaha galbeedkaa degay iyo Gobol xeryaaloobay
-Ganka yaxarka Hawraarsamaha geddo ku noolaada
-Ganafaaga Eylaha ee Geel iyo guunyo laga dhaarshay
-Allow guule waa Guutooyinkaas gocashadaydiiye
-Allow guule soo ururiyoo gaar iskugu baydhi
-Allow guule tawfiiq dhex geli garasho waayeel leh
-Allow Guule gaawaha ka madhan malab u soo gaaci
-Allow Guule guufkaa madow naga gobbee maanta.


W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Gabayga waxaan kasoo xigtay Taangiga tigreyga

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...