Wiil ayaa jeclaaday inan deriska ah.

0
Tuesday September 21, 2021 - 09:31:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil ayaa jeclaaday inan deriska ah.

    gurigii qoyska wiilka joogtay ayay qolkiisii gashay ka dibna waxay fiirfiirisay joornaaladii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gurigii qoyska wiilka joogtay ayay qolkiisii gashay ka dibna waxay fiirfiirisay joornaaladii


Inantu waxay iibasaa joornaalada. Maalin kasta wiilku inanta ayuu soo salaamaa laakiin salaan uma dhaafo. Maadaama oo ay qof ganacsanaysa tahay, markasta oo uu soo salaamo joornaal ayuu kasoo iibsada. Hadda uma baahnee ogow! Laydh iskaga baabiin ayaa ladhahaa!!


Maalin kasta sidaas ayuu uga gadan jiray joornaal, wuuna soo salaami jiray.
Waxay sidii ahaataba maalinkii danbe ayuu wiilkii geeriyooday. Tii xaqay ahayd baa utimi. Inantii ayaa ogaatay kadibna gurigii ayay timi, waxayna qoyskii wiilka ugu tacsiyadaysay geerida ku timi wiilkoodii. Hadaba intii ay gurigii qoyska wiilka joogtay ayay qolkiisii gashay ka dibna waxay fiirfiirisay joornaaladii uu wiilku kasoo iibsan jiray, markaas ayay aragtay iyagoo qolka iska dhex toosan oo aanu xitaa kala bixin!! Inantii joornaaladii ayay mid kala furtay iyado aad u murugaysan indhaheedana ilmo kusoo taagantahay. Inan meesha la joogtay ayaa su’aashay sababta ay la oynayso.

Waxay tidhi: Wiilka Allah ha unaxariistee waan jeclaa! Maalin kasta oo uu joornaal igasoo gato waxaan ugusoo qori jiray qoraal aan ugu sheegay inaan jeclahay! Laakiin hal joornaal xitaa ma uusan kala furin! Inantii kale ayaa ayaduna bilawday inay ooydo. Maxaa kaa oohinaya adigana ayay waydiisay. Waxay tidhi waxan ogaa wiilku sababtoo joornaal usoo iibsan jirayoo mabay ahayn inuu akhriyo!

Hadaa muxuu usoo iibsan jiray ayay waydiisay?! Waxay tidhi: Inanta joornaalada iibisa ayaan jeclahay ayuu odhan jirey balse markaan is idhaah lahadal ayaan ka cabsadaa markaas ayaan joornaal iga iibi ku idhaahda!!!
Maxaad ku dhexjira qisada ayaad umalayn?
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...