Soonka Iyo Sayniska. Soonku Waxa uu ka Hortagaa Asaasaqa. Qaybta4aad. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

0
Friday May 17, 2019 - 10:15:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soonka Iyo Sayniska. Soonku Waxa uu ka Hortagaa Asaasaqa. Qaybta4aad. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

    Bisha barakaysan ee Soonqaad waxaan qaadan doonaa barnaamijyo taxane oo aan u bixiyey "Soonka iyo Sayniska". Qaybta afraad, Soonka iyo Asaasaqa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisha barakaysan ee Soonqaad waxaan qaadan doonaa barnaamijyo taxane oo aan u bixiyey "Soonka iyo Sayniska". Qaybta afraad, Soonka iyo Asaasaqa.

Bisha Soonqaad waa bil muhiimadeeda leh, waxay muslimiinta ugu fadhidaa kaalin muhiim ah. Waa xillisan oo muslimiinta iimaankooda, dhaqankooda, naxariistooda, maamuuskooda iyo is-caawintooduba kor u kacdo. Soonku waxa uu u dhexeeya waaberiga ilaa gabbal dhaca. Qofkuna waxa uu af-xidhnaanayaa 13-18 saacadood.



Qoraalkan koobani waxa uu cilmi waafiya inagasiinayaa ka hortagga fiican ee soonku u leeyahay xanuunka asaasaqa. Sidoo kale, cuntada dheelliran saamaynta wanaagsan ay ka qaadato ka hortagga asaasaqu iyana waa mid halkan aan ku sheegi doonno.


Soonku waa ka huleelidda cuntooyinka iyo biyaha jidiinka la mariyo. Soonka dhexdiisa jidhkeenu waxa uu iska saaraa sunta. Claire Mahy oo ku takhsusay cilmiga nafaqaynta ayaa waraysi uu siinaayey Aljazeera sidaas yidhi.

"Soonku waxa uu nadiifiyaa dheefshiidka, waxa uu xoojiyaa muruqyadiisa, waxa uu kaalin fiican ka qaataa sixidda fal-galka-kiimikaad ee maskaxda, waxa uu ka hortag laysku hallayn karo ka qaataa asaasaqa. Soonku waxa uu maskaxda ka ilaaliyaa maaxduunka, werwerka, iyo asaasaqa bar bilawga ah", Michael Mosley, 2012.


"Jimicsiga suubban, habka cunna cunista tolmoon, la socodka korreeya ee heerka cadaadiska dhiigga iyo joojinta kabbashada alkooladu waxay yaraysaa asaasaqa soo degdega, weynidana qofka ugu yimaadda, sida waxaa lagu qoray wargeyska medicene.net, isaga oo soo xiganaaya WHO.


"Hay'adda caafimaadka adduunku waxay hoosta ka xariiqday in quudashada Vitamin B iyo E ay ka hortagto asaasaqa" Sidaas waxaa ka soo xigtay WHO, muuqbaahiyaha CNN qaybtiisa daahfurka sayniska cusub.


Asaasaqu waxa uu saameeyaa 50 million oo qof adduunka oo dhan, daawo iyo wax cilaajina na ma laha. WHO waxay sheegtay in 10 milyan qof sannad walba qaadaan xanuunkan asaasaqa, ayna laban laabmayso sanaha soo socda.


"Halka dad badani ay bilaa nasiib ka yihiin oo ay dhaxlaan hiddasidayaal isku lammaan oo xambaarsan xanuunkan, waxay ka dhaxlaan tafiirtooda, waxayna halis ugu jiraan in ay qaadaan xanuunka asaasaqa noloshooda danbaysay. Halistaasna waxaa ka hortag u ah cunista cunto dheellitiran. Hadalkan waxaa laga soo xigtay Tara Spires-Jones, waxay ka tirsantahay machadka cilmi baadhista asaasaqa ee jaamacadda "University of Edinburgh", U.K, gaar ahaan qaybta daahfurka aqoonta sayniska ee maskaxda.


Ugu danbayn, cilmiga casriga ah ee saynisku waxa uu si cad u qeexay faaiidada caafimaad ee soonka. Gaar ahaan bishan barakaysan ee soonqaad uu ka qaato hagaajinta caafimaadka guud ee qofka islaamka ah, gaar ahaan, in uu soonku ka hortag u yahay Asaasaqa.


Sadam osman kaabash
Fekerka aqoonyahanka
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...