Soomaalidu Waa Umad Khilaafka Jecel.!!!

0
Monday September 20, 2021 - 18:59:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidu Waa Umad Khilaafka Jecel.!!!

    Dowladii Kmg Aheyd Ee 2004-Tii Nairobi Lagu Soo Dhisay, Laguna Soo Doortay Madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladii Kmg Aheyd Ee 2004-Tii Nairobi Lagu Soo Dhisay, Laguna Soo Doortay Madaxweyne



Horta Khilaafku Waa Sunno,Waana Wax Ku Milan Nolosha Bini'aadamka, Mana Jirto Dunida Bulsho Maareynta Nolosheeda Isku Aragti Ka Ah Oo Meel Ku Wada Nool, Balse Waxaa Wanaagsan In Aanuu Khilaafku Sabab U Noqon Burburka Iyo Baaba'a Bulshada Is Khilaaftay Sida Tan Soomaalida Oo Kale.

-Bal U Fiirso,, Xornimo Doonkii Soomaalidu Waa Isku Khilaafsaneyd, Dowladihii Rayidka Kadaalika,Oo Waxaaba Khilaaf Lagu Dilay Madaxweyne C/Rishiid Cali Sharma'arke,Aun , Tii Ugu Danbeysay Ee Kacaanka Waxaa Lagu Riday Khilaaf Uu Qorigu Wehliyo, Bur-Burkii Ka Dib, Waxaa Is Khilaafay Aun Jan. Ceydiid Iyo Cali Mahadi, Aun Caato Iyo Caydiid , Aun Cali Mahdi Iyo Muuse Suudi, Cumar Finish & Muuse Suudi, Dowladdii Jabuuti Ee 2001-Dii Waxaa Is Khabtay Madaxweyne C/Qaasim Iyo Reysal-Wasaarayaashiisii Aun Dr Cali Khaliif Galeyr, & Xasan Abshir,

-Dowladii Kmg Aheyd Ee 2004-Tii Nairobi Lagu Soo Dhisay, Laguna Soo Doortay Madaxweyne, Aun C/Laahi Yusuf, Dhamaanteed Waxa Ay Waqtigeedii Ku Dhameysatay Khilaaf,Ka Dib Markii Ay Wada Shaqeyn Waayeen 2-Dii Reysal Wasaare Ee Uu Odaygu Soo Xushay Ee Kala Ahaa Md Cali M.Geeddi Iyo Aun Md Nuur Cadde, Dhanka Kale , Labadii Dad Isugu Dhawaa {Sh.Xasan Daahir Iyo Sh.Shariif,}Ee Diinta Ku Hishiiyay 2006-Diina Muqdisho Ku Dhisay Maxkamadihii Islaamka Ayaa Khilaaf Ku Kala Tagay Oo Xiligaa Midba Koox Jabuuti Iyo Asmara La Fadhiystay, Inkastoo Khilaafkaas Uu Midna Madaxweyne Ku Helay Midna Xabsi Guri Ku Galay.

-2009-Kii Waxaa Dalka Jabuuti ,Markale Lagu Soo Dhisay Dowlad Kmg Ah Oo Uu Madaxweyne Ka Yahay Mudane Sh.Shariif, Hase Yeeshee 2 Sano Gudahood Waxa Ay Madaxweynaha Is Qaniineen 2 Reysal Wasaare Oo Kala Ahaa Md Cumar C/Rishiid Iyo Md Farmaajo,Iyadoo Weliba La Xasuusto In Khilaafkii Farmaajo Aakhirkii Lagu Soo Xaliyay ""Kampala Accord"" Waxaana La Sheegaa In Md C/Wali Gaas Oo Ahaa Reysal Wasaarihii 3-Aad Oo Ay Wada Shaqeeyeen Madaxweyne Shariif Inay Isla Dhaceen Iyagoo Is Khilaafsan.Ka Dib Markii Waqtigu Ka Idlaaday.

-2012-Kii,Waxaa Markii Ugu Horeysay Dalka Gudihiisa Lagu Dhisay Dowlad Aan Kmg Aheyn,Oo Ka Tabar Roon Dowladihii Hore Ee Kmg Ahaa,Waxaana Madaxweyne Loogu Doortay Md Xasan Sheekh, Oo La Rumeysnaa In Uu Yahay Madaxweyne La Imaan Doona Is Badal Waxna Ka Soo Bartay Hab Dhaqanka Khilaafka Ku Dhisan Ee Lagu Soo Arkay Madaxdii Isaga Kaga Horeysay Kursiga,Weliba Markii La Doortay Wuxuu Noo Cadeeyay In Dowladiisu Khilaafka Ka Fogaan Doonto, Hase Yeeshee Sanadkii Koowaadba Waxaa Dhankiisa Ka Soo Yeertay Aniga Iyo Reysal Wasaare Saacid Sh Doon Ma Wada Shaqeyn Karno Ee Ha La I Dhaafiyo,,Sanadkii Xigayna Waxaa La Maqlay Khilaaf Faraha Laga Qaad Ah Oo Ka Dhex Shidan Isaga Iyo Reysal Wasaarihii 2-Aad Md C/Wali Sheekh,Markii Uu Hardankaa Ku Soo Guuleystayna Waxa Uu Soo Magacaabay Md Cumar C/Rishiid Oo Noqday Reysal Wasaarihii 3-Aad Oo Ay Wada Shaqeeynayaan Mudadda 4-Ta Sano Ah Ee Loo Doortay Xilka Madaxweynanimo, Qudhiisana Iskuma Wanaagsaneyn Marka La Eego Doorashadii 2017kii Sida Ay Iskula Macaamileen.

-8 February,2017 Kii Madaxweynihii La Doortay Ee Farmaajo, Inkastoo Reysalwasaarihii Uu Magacaabay Waa Kheyree Ay 3-Dii Sano Ee Ugu Horeysay Isula Jaanqaadeen Si Fiican, Misna Salaaddoodu Waxey Ku Burtay Ataxiyaadkii, Waxaana Sanadkii 4aad Lakala Tegay Iyadoo Aan Waxba Leysku Hambeyn,Markale Ayuu Md Farmaajo Soo Magacaabay Reysalwasaarihii 2aad Oo Noqday Rw Rooble, Balse Isagana Bilihii Ugu Horeysay Ayaa La Maqlay Khilaaf Car & Wir Ah, Oo Labada Oday Soo Kala Dhexgalay, Waa Khilaaf Si Walba Uga Duwan Khilaafyadii Hore Ee La Soo Arki Jiray, Wuxuuna Ku Soo Beegmay Xili Ay Sharciyaddii Ka Wada Dhamaatay He'adaha Dowlada Oo Uu Dalku U Jiheysan Yahay Dooradhooyin, Lamana Oga Halka Uu Ku Dhamaan Doono.

Tankale, Dowlada N&N Waxaa Bilowgii Horeba Inta Aaney Dhameysan 2-Dii Sano Ee Ugu Horeysay Fooda Isdaray Gudoomiyihii Baarlamaanka & Reysalwasaare Kheyre Waxaana Khilaaf Ku Baxay Gudoomiye Jawaari, Markale Waxaa Khilaaf Soo Ifbaxay Iskaga Horyimid Gudoomiyihii Baarlamaanka Oo Ah Kii Labaad & Madaxweynaha Inkastoo Isjiid Jiid Dheer Ka Dib La Sheegay In Si Hoose Loo Xaliyay Khilaafkaas. Sikastaba Ha Ahaatee Waxaa Md Farmaajo Isna Loo Diiwaan Gelinayaa In Uu Waqtigii Kaga Dhamaaday Isagoo Ay Is Hayaan Rw Labaad. Iyo Qaar Ka Mid Ah Madax Goboleedyadii Dalka, Islamarkaana Ay Murano Xoogan Hareeyeen Doorashooyinkii Dalka.

-Dhanka Kale, Khilaafku Ma Aha Mid Ku Kooban Siyaasadda Iyo Doorashooyinka Ee Waa Mid Ku Faafay Meel Kasta Oo Ay Soomaalidu Degto, Waxaa Leysku Khilaafsan Yahay Dilka Dadka Oo Alshabaab Iyo Daacish Midba Goonidiisa Ayuu U Aaminsan Yahay In Dilkiisu Saxan Yahay, Mararka Qaarna Iyagaa Isku Dila Maxaad Hebel U Dishay, Ganacsigu Waa Kadaalika, Culimadu Iskuma Wanaagsana, Dhalinyaradu Waa Boqol Urur, Saxaafaddii Mar Horaa Loo Taag Waayay,Fanaaniinta Khilaafkoodu Wuxuu Gaaray Iney Heesaha Isku Soo Duqeeyaan, Xitaa Qolyaha Naafada Ah Ayaa Naafanimada Isku Khilaafaan Oo U Kala Baxay Il Laawe, Lug Laawe, Iyo Gacan Laawe,

-Wajibook Qudhiisa Soomaalida Ku Wada Jirtaa Isma Jecla,Mid Waliba Midka Kaluu Wax Ku Khilaafsan Yahay,Intaa Block. Iyo Aflagaado Ayaa Leysku Hayaa, Oo Waxaaba Suurtagal Noqon Laheyd Hadii Uu Facebooku Lahaan Lahaa Meel Rasaastu Ka Dhacdo In Lagu Dhex Arki Lahaa Soomaali Badan Oo Isku Dhex Xabadeyneysa.

Sidaa Iyo Si Ka Daran Ayaa Dal, Gobol, Dagmo, Iyo Tuulo Soomaalidu Dabada Isku Wada Heysataa , Khilaaf Kastana Waxaa Daba Taagan Bur Bur, Wax Qabad La'aan, Iyo Dagaal Ay Ku Naf Waayaan Kumanaan Rayid Ah Oo Aan Waxba Galabsan. Hadaba Maxaa Soomaalida Khilaafka Ugu Wacan?.....

-Hora Maxaa Iyaga Ka Qaldan ,?.....Maxaase U Diiday Inay Isku Tanasulaan Ama Ay Isku Dulqaataan Si Nabad Ahna Koonkaan Ugu Wada Noolaadaan.?

..... Waa Socotaa..............Mana Dhowa Khilaafka Soomaalidu, Waa Mid Taxane Ah, Waana Dhaxal Awoowgood,... Anna Waxaan Ku Dhigayaa Dhiganaheyga, Si Ay Jiilka Dambe Dhabahaas Xun Uga Leexdaan Iinshallah....!!!



FG.Tani aragtideyda


W/Q Abdulkadir Farah Dulyar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...