Dhalinyaradu maxay ka doonaysaa haldoorkeeda?

0
Monday September 20, 2021 - 16:23:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaradu maxay ka doonaysaa haldoorkeeda?

    Dhalinyaradu waa xooga umadi leedahay Sida lagu qiyaasay Soomaaliya 75% waa dhalinyaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaradu waa xooga umadi leedahay Sida lagu qiyaasay Soomaaliya 75% waa dhalinyaro.


Dhalinyaradu waxay u baahan yihiin jihayn iyo hogaamin wanaagsan.

Aqoontooda iyo garaadkooda oo kor loo qaadaa waxay wax badan ka bedelaysaa hab fikirkooda.

Maantay dhalinyarada Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxay u baahan yihiin in ay helaan hogaan fiican oo cadaalada waxna jihayn kara.


Waxbarasho tayaysan oo deganaansho leh iyo deegaan xasilooni
Waxay dhalinyarada fursad u siinaysaa in ay noqdaan kuwo wax curi kara wax soosaarna yeesha .


Dhalinyaro aqoon ku hubaysani waxay wax badan ka bedeli karaan waxyaabo badan oo aqoon daradu lumiyeen.
Iyada oo dibu dhaca wayni uu keenay xiligii burburka isla mar ahaantaana ay dheceen wax badan oo jaahwareer siyaasadeeda.

Dalkeenu wuxuu hodon ku yahay oo leeyahay khayraad fara badan ilaa iyo iminkana wax laga faaiidaystay aanay jirin.


Siyaasadaahaan is diidani iyo kala danbayn la'aantani marmaba kuma guulaysan in khayradkaa dihin sida igu haboon loo wajaho.

Dhalinyaradu waxay u baahan yihiin in loo jiheeyo wanaaga iyo horumarka aqoontoodana kor loo qaado si ay u noqdaan kuwo wax soosaar tayasan leh.

Dhalinyaradu uma baahna maantay in qabyaalad iyo wax aan jirin oo dibu dhac iyo dhaawac aan kasoo kabasho lahayn caqligooga lagu shubo ama laga buuxsho, balse waxay u baahan yihiin in aqoon lagu hubeeyo si ay caalamka ula jaan qaadaan u lana tartamaan dhalinyarada kale ee dhigooda ah ee dumida daafeheeda ku kala nool.

dhalanyaradu waa mustaqbalka maanta iyo kan beritoole
Waxaa loo baahan yahay in garaadkooda iyo caqligooda wax wayn laga bedelo oo loo jiheeyo dariiqa saxda ah jawi ku haboona loogu diyaariyo .

 
Halaysu taago sidii dhalinyarada loogu gacan qaban lahaa wanaaga iyo horumarka.
Siyaasadahaan is diidana dhinac looga leexin lahaa.

Soomaali Waa Soomaali Sumad Makala Laha.


W/Q Amina Mohamed Abdullaahi.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...