Maxay Ka Micnto Tahay Is Xulufaysiga Australia , UK Iyo USA.

0
Monday September 20, 2021 - 09:49:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Micnto Tahay Is Xulufaysiga Australia , UK Iyo USA.

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Arbacadii , 15 09 2021 dawladaha Australia , UK iyo USA ayaa samestay qorshe difaac o badda ah o nuclear ah marakiibta o saddex geesood ah kana dhan ah china-ha aaga dagaal kuna yahay badwaynta isku xidha Asia da Bari iyo dawladaha aaga koonfur bari o muran ka tagan yahay soo jireena maadama ay baddaas dalal badan dhinac walba ka soo kulaalan kagana yaalan.



Dawlado badan ayaa badaas jooga sida Usa ,  France iyo dawladaha koonfur asia o iyana la koox ah Usa , china ayaa isna ka sameyay jasiirado macmal ah o fara ku samays ah waxa u sido kale samestay aag xududed aan loo soo dhowaan o la yidhahdo 9 dash line o ah 9 goobood o wareeg ah Kuna yaal badaas sido kale 30% Ganacsiga dunida ayaa mara badaas.


Iyada o xaalku sidaas yahay ayaa Australia , UK iyo USA ay samesteen is bahaysi la magic baxay AUKUS loona soo gaabiyay A: AUSTRALIA , UK: UNITED KINGDOM IYO USA: UNITED STATE OF AMERICA.

 

 

Maxaa laga faa”idi karaa hashiiskan?

1.       Waa aag mashruuc dhisid waxa laga faa”idayaa shaqooyin badan maadama ay tahay nuclear dhisid dhinica marakibta ah waxa sare noqonaya suuqa Technologiyada , Nuclear ka iyo farsamada Enginer nimada e dalalkaas.


2.       Waxa lagaga hortagaya is baladhinta china ha iyo in la hor istaago maadama u china noqday quwad caalimiya o dunida ka dhigaysa multi-poler halka ay marki hore ka ahayd uni-poler o USA ay hogaanka dunida ay haysay muddo dheer.


3.       3 dal e kala ah USA , UK iyo Australia  ayaa diplomaciyadooda kor uga qaadmaysaa halkii ay markii ay joogtay o waysii baladhanaysaa.


4.       Waxa ku soo biiri kara xulufudan dawlado kale o badan o manfac u arka hashiiskan sida daraded mid military iyo dhaqaale ayaa iman kara o dheered ah mustaqbalka.

 

Waa maxay Khasaraha Hashiiskan ?

 

1.       Waxa iman kara ismaan dhaaf kaas o keena isku dhac millirty o dhinaca badda ah kaas o galafta dhaqalaha dalalkaas iyo guud ahaan duniduba maadama 30% ganacsiga dunida halkaas iska ga goosho.


2.       Waxa ku kacaya dhaqale badan mahruuca maadama aanu aagu aag xasiloon ahayna waxa suurtagala in masharicdas marakiibta ah ay dhib la kulmaan.


3.       Mar hadii ay tahay difaac nuclear o badda ah waa suurtagal in ay dhacdo cillad farsamo sida daraded waxay kaynaysaa dhibaato badda ah o samanyteda leh.


4.       Xulafadaas AUKUS waxa ka foganaya xulufo kale o ay hore u lahayeen o xidhidhkoduna aad u wanaagsana sida hadaba dhacday o dhib ku keentay xidhiidhki USA Iyo France iyo Uk iyo france waxa iman doona dawlado badan o arintan ka soo hor jeesta o china la safan.

 

Ugu danbaynti waa horudhac iyo in aan ka istagnay dhinacyada faa”idada iyo khasaraha e mashrucan 3 gesodka ah sida daraded marka u hir galo lana soo shaac saaro research ahaan iyo mashruc ahaanba ayaan si wayn u falan qayn doona

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER:       H.E Mohamed Aden Hassan       Email:  [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...