Rooble iyo Qoor qoor oo xal ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay.
Waxaa Xalay kulan dheer kadib heshiis wada gaaray Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor kuwaa oo madmadow oo u ku dhex jiray maalmihii u dambeeyay.
Qoor Qoor ayaa toos ula safnaa Farmaajo markii uu soo shaac baxay khilaafka RW Rooble iyo Farmaajo u dhaxeeya waxaana uu u janjeeray dhinaca Madaxweynaha taa oo Rooble si weyn kaga careysiisay.
Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay.
Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah.
Xogo muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya iney kawada hadleen sida loo wajahayo khilaafka Farmaajo kala dhaxeeya iyo in RW Rooble garab la siiyo iyadoo sidoo kale ay kawada shireen shirka uu isugu yeeray madaxweynaha Puntland ee ka dhici doona Garoowe kaa oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona balse aysan qaadan madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed kuwaa oo gacanta ugu jira Qoor Qoor.