''Ma Muxaafid Mise Mucaarid ''Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe''.!

0
Wednesday March 06, 2019 - 18:54:35 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Ma Muxaafid Mise Mucaarid ''Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe''.!

    Waxaan filayaa inaad ila garateen Shakhsiga aynu suuradiisa muujinay waa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan filayaa inaad ila garateen Shakhsiga aynu suuradiisa muujinay waa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka

Faallo:-Hadhwanaagnews

Hargeisa(HWN):-Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobaayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye. 28 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la’a maanta,Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa.

Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa. Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen. Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro. Sidaas oo jirta, haddana damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, balse horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.

Haatan waxa aloosan doorashooyinkii, gaar ahaan Tii Golaha wakiiladda ee shin dhaaftay, taasoo mar kale u sansaan eg inaanay qabsoomayn xiliga ay go'aamiyeen Golaha Guurtiddu ee dabayaaqada sannadkan 2019. Waxaa baaqday wada hadal la filayay inuu u bilaabmo saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID,kaas oo la filayay in lagaga wada hadlo arrimaha ku xeeran doorashooyinka iyo guddiga doorashada oo caqabad ku ah inay doorashada baarlamaanku qabsoonto. Ararta Guud ee duruufaha adag ee ku meersan Somaliland markaynu intaas ku dhaafno aynu Tooshka ku ifino dulucda faaladan.

Waxaad akhriste la socotaa dabaylaha siyaasadeed ee dalka soo maray waxaa isweydiin leh inaba ma Xasuustaa Shakhsi ku faana inuu dimuquraadiyada Somaliland Salka u dhigay,la'aantiina Wadanku hab beeleed dib ugu noqon lahaa,Marna inoo sheega inuu yahay ama yihiin kuwa badbaadiya dalka markasta oo muran siyaasi ahi oogmo,oo talada loo noqdaa ay tahay fikirkiisa,Marna inoo cadeeya inuu Go'aansaday in Somaliland laga sameeyo dawlad kale si ta jirta ee xukunka haysaa ay ugu khasbanaato rabitaanka waxa ay doonayaan ama fulinta danahooda, gaarka ah,Marna waxa uu ummada u sheegaa in hadii ay sannadkan doorasho dalka ka qabsoomi weydo aynu ku baa'bayno,hadana waxa uu yidhaa hadaan sidaa la yeelin oo aan taladayda la qaadan socon mayso doorashadani.

Wuxuu marba Xukuumada talisa ku amaanaa sida ay uga go'an tahay inay dalka uga qabato doorashooyinka kala duwan si wakhtigeedii ugu qabsoomaan,hadana waxa uu ku dhaleeceeyaa sida ay wax u wado,boqolaal odhaahood oo iska hor imanaya ayuu mar qudha ku hadlaa, Ku darsoo weliba tiisaa u Sax ah,oo waa halkii la yidhi "Qof Walba Qumanihiisa,Qoorta u Sudhan”,kuumaan dhamayn akhristoowe wuxuu inaga guubaabiyaa qabyaalada iyo ku dhaqankeeda, waxaanu inoo cadeeyaa inuu Mudaba ku hawlanaa barashada Qabyaalada Casriga ah.

Ha ila yaabin waa Siyaasiga Maanta ee dhawrka jeer Salaanka ka soo dhacay ee dareemi waayay inuu yahay Qofka dhulka yaal ee la soo taagaan hadana waa I kan,isla markaana Ma jirowax qodob ah oo qabta, Waa Mucaarid hadana heemaalkiisa guud waxa uu isu Muujiyaa inuu yahay Muxaafid,Waxa uu Xukuumadda ku metelaa Shirar iyada looga baahnaa waxaa loo fasirtaa inuu yahay Wasiirka arrimaha dibadda,Marar nadir ah ayuu si adag ula hadlaa Hogaamiyaha qaranka laakiin todobaad kadib waxa uu sheegaa inay is afgarteen Madaxweynaha.

Waxaan filayaa inaad ila garateen Shakhsiga aynu suuradiisa muujinay waa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dadka siyaasada rog rogaa ay saluug xoogan ka qabaan Mucaaridnimadiisa,Sidoo kale ay Mucaaridka ay bah wadaaga yihiin ka maagaan inay xulufo la noqdaan sabab la xidhiidha in aanu lahayn yool sax ah oo loogu soo hagaago.

Mudadii xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Sannad iyo dheeraadka ah hal mar ayaa laga maqlay isagoo eedaynaya Madaxweyne Biixi Kadib markii uu Madaxweynuhu ku eedeeyay in aanu xukuumadda ku metelin shir uu kaga qayb galay dalka Biljim iyo kulan uu la qaatay Madaxweynaha dawlada federaalka Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo,dharaarahaas ayuu gudoomiye faysal sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku fashilmay hogaaminta qaranka iyo inay ka soo oodantay Siyaasadii arrimaha dibadda ee Somaliland isagoo intaas ku ladhay in aan talada dalka lagu sii eegan karin Madaxweyne Biixi waxaanu iclaamiyey Shir beeleed inuu qaban doono kaas oo lagaga tashanayo xaalada Somaliland ku sugan tahay sidii looga saari lahaa. Hasa yeeshee ayaamo yar kadib wuu ka soo dabcay mawqifkiisii waxaannu sheegay inay is arkeen Madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay xal ka gaadheen waxyaabihii dhaliyey is maandhaafka. Intaas wixii ka danbeeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe kama Maqnaado madal kasta oo Xukuumaddu qabsanayso nooc ay doontaba ha ahaatee.

Isku soo wada duuboo, waxaa dhab ah in Maanta loo baahan yahay in Xisbiga UCID uu Noqdo Xisbi hannaan mucaaridnimo u taagan kana turjumaya inuu ku hadlo Cod Mucaaridnimo oo toosin u ah Xukuumadda talada haysa wixii ay ku khaldan tahayna soo bandhiga sidoo kalena wixii ay ku amaanan tahay sheega, isla markaana iska dhowra inuu u guul wadeeyo Xukuumadda.

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...