Farmaajo Ma Cidlaa Lagaga Tegey Mise Rag Buu Hoos Ka Dirsadey Si Ay Udhabar-Jabiyaan Rooble Iyo Cadaalada Ikraan Tahliil?

0
Sunday September 19, 2021 - 10:07:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Ma Cidlaa Lagaga Tegey Mise Rag Buu Hoos Ka Dirsadey Si Ay Udhabar-Jabiyaan Rooble Iyo Cadaalada Ikraan Tahliil?

    "Sidaa darteed Farmaajo wuxuu ciyaarayaa xeelado kala duwan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaa darteed Farmaajo wuxuu ciyaarayaa xeelado kala duwan "
Inkastoo siyaasiinta Somalidu yihiin kuwo aan mabda iyo aragti fog aan lahay oo marwalba daneeya dhinaca danahooda gaar ahaaneed,laguna shaqeysan karo oo hogaamiyayaasha dunidu si fudud uga dukaameysan karaan, hadana fashilka siyaasadeed ee ku habsadey Farmaajo ayaa u muuqda mid saaxiibadii ku cidleeyeen saaxadii siyaasada ka dib markii ay garwaaqsadeen in uu hawlgab yahay, ilko belay,kuwa dabana u soo baxaynin ama mudo dheer qaadaneyso ilkeysi dambe , lagagana xoog roonaadey dagaalkii aan waxba laysku reebin ee todobaadyadan dambe soo xoogeystey ee Farmaajo iyo Rooble arinku si kastaba ha ahaadee Farmaajo guul daradiisu waa mid taariikh ah oo ka dhalatey kibrad la’aan iyo aragti gaabni salka ku haysa danacay beelo somaliyeed,aargoosi arimo hore oo salka ku haya dagaaladii sokeeye ee Somalida dhexmarey xukun ka tuuridii Jaale Siyaad iyo isku geynta xisaabo  qaldan oo isaga iyo kooxdiisu aaney si cilmiya u dersin waxaa ka dhalan kara .  


Arimaha uu farmaajo dhiirigeliyey waxaa ka mida:  

La xisaabtan la’aanta masuuliyiintii ka dambeeyey xasuuqyadii ka dhacay Somaliya ee magaca iyo awooda dawladnimadii Somaliyeed lagu geestey oo ilaa hada cid loo maxkamadeyey aaney jirin balse intii uu xukunka Somaliya hayey Farmaajo sii xoogeystey oo kuwii masuulka ka ahaa dhibkaasi ka soo dhex muuqdey dawlada iyaga oo ku doodaya in dhibaatooyinkii aymgeysteen ahaayeen kuwo saxa sida Cabdiraxmaan Guulwade iyo Maxamed Cabdi Yusuf labadan oday oo si cad u sheegay in in laxasuuqo shacabka Somaliland ay xaq ahayd oo dawladii siyaad Bare ku saxsaneyd taas oo laga dhadhansanayo Farmaajo in uu raali ka yahay in la difaaco arintaasi dambiyadii dagaal ee lagaley wakhtii dawladii Adeerkii Siyaad Bare. 



 kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:  

1.     Culimadii difaacayey diinta Allah(swt) ee ka horyimi xeerka Qoyska ee dhagta dhiiga loo daray iyaga oo aan waxba galabsan bale fikirkooda iyo aqoontooda ku tilmaamayey khaladka ay arintani lee dahay 


2.     Geesiyaashii ka tirsanaa ciidamada Qalabka sida ee dagaalkii 1977 kii Markii lagu fashilmay inta la soo ururiyey lagu xasuuqay goobihii ay kaga jireen xoreynta Somali galbeed  

 

3.     Xasuuqii ka dhacay gobolada dhexe ee ka dhashay isku daygii afgabigii uu hogaaminayeen saraakiil ka tirsan beesha Majeerteen(G/Sare Ciro iyo G/Sare Cabdilahi Yusuf) 1978  taas oo si gaara dawladii Somaliya u bartilmaansatey beeshaasi dad badan oo aan waxba galabsana u xasuuqday  

 

 

4.     Xasuuqii , xadhigii, dhacii,aan kala sooca lahay ee dawladii Jaale Siyaad  laga soo bilaabo 1980 kii ilaa 1991 lagu hayey dadkii ka soo jeedey Goboladii Waqooyi .  

 

5.     Xasuuqii Aqoonyahankii,ganacsatadii iyo ardaydii lagu Xasuuqay Xeebta Jasiira ee Muqdisho.  

Farmaajo Iyo 5 Sano ee uu Xukunka hayey( Waxaa ku jirta wakhtiga kala guurka)  

Agaasimaha Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya.  

Balse anigu waxaan qabaa in uu qaadayo jidkii Jaale Siyaad ku haligmey kuna dayanayo adeerkii.  

tacadiyo waaweyn dhacayn wakhtigan uu isagu(Farmaajo) xukunka hayo kuwaas oo la dariiqa kuwii hore een aynu ka soo sheekeyney waxayna kala yihiin:  

1.     Muddooyinki u danbeeyey waxaa soo baxayey warbixinno badan oo ka imanaya hay'ada xuquuqal insaanka iyo kuwo kale kuwaas oo NISA a oo eedaynayey in ay fuliso halgallo sharci darro ah. Waxaana lagu eedeyey dad la waayay , hawlgallo sharci darro ah iyo xidhid aan loo marin habkii saxda ahaa. Waxaana ka mid ahaa hawl galladii  Dawlad bgoboladyada Konfur Galbeed , Galmudug iyo Gobolka Gedo.  

 

2.     Xadhiga Roobow 

 

 

3.     Fadeexada Arinta Ikraan Tahliil 

Iyo Dilal ciidamo tabar loo geyey wadamo kale oo la la yahay  

Arintan Ikraam Ayaan u arka in ay gacanta ku haysey arimo aad u dhatar ah oo sir culus ah oo xidhiidh la leh dhamaan arimo la xidhiidha xogta dhabta ah ee hawlaha Dawlada Farmaajo tan waxaa cadeyn u ah :  

Ikraam sida la sheegay waxay ahayd khabiirada cilmiga Cyber Security taas oo si toosa iyo si dadbanba u geli karta dhamaan computerada dawlada Somaliya taas oo ay u sahlayso aqoonteeda iyo jagada ay hayso ee NISA oo ah haydada sirdoonka qaranka.  

Iyada oo la soo shaqaysey Agaasimayaashii NISA ee kala dambeeyey iyo Weliba Duqii Magaalada Muqdisho taasina waxay sahleysaa in ay xogogaal u noqoto xidhiidho badan iyo siro badan oo sir culus ah kuwaas oo xitaa dawlado ku jiraan arintana waa ta jiif iyo joogba u diidey Madaxweyne farmaajo iyo NISA ba waayo waxaa fashilmaya arimo badan hadii ay Ikraam Tahliil la ogaado Sababta ka dambeysey in la Afduubto ama xitaa baadhitaan saxa lagu sameeyo arinteeda sida aan filayo Ikraan Tahliil arinteedu ma aha mid u fudud sida ay dadka caadiga ah u haystaan waa mid aad u culus oo aaney Farmaajo iyo Dawladiisuba marna ogoleyn in si fudud oo cadaalada loo baadho waayo waxay og yihiin waxaa ku duugan arintan iyo khatarta weyn ee ay kuyeelanayso Mustaqbalkooda Dunida.  


Hadaba waxay Ila tahay in Farmaajo iyo cidkasta oo ka dambeysey Afduubka Ikraam aaney marna ogoleyn in wax yar oo og ah laga helo Ikraam ayna ka doorbidayaan dhimasho sidaa darteed wax walba way sameenayaan oo ay isku hortaagayaan cadaalad ay hesho, Sidaa darteed Farmaajo wuxuu ciyaarayaa xeelado kala duwan si uu uga muquurto walwalka Ikraam Tahliil wax walna waa suurta gal, Diyo(Mag), xeelad, iyo xoog wejiba. balse tii Allah(swt) na maqan. Cadaaladu waa Muhiim!  

Waad Mahadsantiin dhamaantiin

source :hogaanka.org

 [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...