Ummad Wadannimo' Dhaqan Wanag iyo Dadnimo, Leh Dowlad Adeecada

0
Friday May 17, 2019 - 09:06:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummad Wadannimo' Dhaqan Wanag iyo Dadnimo, Leh Dowlad Adeecada

    Haddii siyaasadii dal iyo dad laggu hoggaaminayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii siyaasadii dal iyo dad laggu hoggaaminayey, loo fahmay noqotay ganacsi iyo Dano-Maaleed. Oo dhaqankii dhawrsanan dacaadnimo, jiri jiray ee lahaa damiir dadnimo wax xeerin, meeshii ka baxay guud ahaan geyiga Soomaali degto maanta.

Madaxweyne iyo hoggaamiye kasta oo dhammaanba Soomaali soo mara dadku, iyaaga xumeeya ku beera ama bara cunfi- Laluush qabyalaad.


Sidaas darteed dadku aanay abid deynayn cabaasho is eeddeyn werwer _ walaac iyo kala qaybsanan.

Meel kastoo Soomaali degto ama Mamuul ka jiro ugu hooseeyo Community, ama Urur Jaaliyadeed, Sidaa aynu ku aragnay qurbaha kala daadsanan kala fogaansho bulsho isku Isir ah dad-dal heshiishee wada degan hadana isku maqan fooggaan iyaagu.


Jacbur weeyee Tixdani ''


'' Isa Seega Siyaasiinta '' Isku Saydhka Canbaareynta ''
Isa Samaax la' laanta Kala Suumaynta' Shacabkeena,,

Dimoqraadinimadii dowladnimo Iyo Hayaankii
Dedaal iyo wax qabadkii
Ma duca aan'se laggu
Darin Dimoqraadii Doonkii

Difaac Reereero Mooyee ku, Dannayso Mooyee ''
Ummad aan Danteed garan ''
Siyaasi Professor iyo Aqoonyahan

Dadkii sowkan kala dii'dey
Dannii badani kala galay
Deg-deg iyo Jawaabaha
Aan meelba loo deyiin
Daran-doori loo ridey
Murti badan ku duugnayn
Dadweyne ku daalleen '
Dowlad iyo aqoonyahan
Dano qaran gorfeyn karin'
Daad haddu usoo galo ama
Dabku Suuqa wada Gubo ''
Tallo Meel usii Degin



Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee UK

Cali C/laahi Ismacil Dheeg


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...