Jagadda Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Oo Tartan Loogu Jiro Iyo Musharraxiin La Filayo Inay Shaaciyaan Musharrax-nimadooda

0
Sunday September 19, 2021 - 09:59:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jagadda Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Oo Tartan Loogu Jiro Iyo Musharraxiin La Filayo Inay Shaaciyaan Musharrax-nimadooda

    W/Q: Muuse waayeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse waayeel

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shaaciyey inuu shir weynihiisa qabsanayo bisha soo socota 30-ka iyo 31-ka October 2021,kaas oo ka qabsoomaya Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Shir weynaha Xisbiga WADDANI ayaa ah mid xasaasi ah oo si weyn loo sugayo,kaas oo ka duwan kuwii hore,waxaana la filayaa inuu is beddel ku yimaaddo qaab dhismeedka guud ee Xisbiga,isla markaana ay hoggaanka Xisbiga ku soo biiraan wejiyo cusub,halka la filayo inay qaar hore ugu jirayna ay iyana ka baxaan saaxada Xisbiga mucaaradka WADDANI.

 

Shirkii Guddida fullinta Xisbiga WADDANI ay yeesheen toddobaadkan ayaa lagu sheegay in qaab dhismeedka Xisbiga WADDANI uu noqon doonno In Xisbigu yeesho Guddoomiye iyo shan Guddoomiye ku-xigeen, Xoghaye Guud iyo kuxigeen,kuwaas oo lagu dooran doono shirweynaha Xisbiga,waxaana la filayaa in meesha laga saaro xilka Hoggaamiyenimadda,kaas oo ah mid aanay lahayn Xisbiyadda kale ee dalka ka jiraa.

 

Haddaba waxa xilli hore sii bilaabmay ruclo oradka loogu jiro jagada Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, taas oo uu muddo dhawr sanno ah uu si ku meel-gaadh ah u hayey Khadar Xuseen Cabdi,waxaana hanqalka la soo kacay rag baddan oo shiishka ku hayey booskaas,kuwaas oo uu mid waliba gaarkiisa isku arko inuu ku haboon-yahay inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI,waxaana la sheegay in ay qaarkood shaacin doonnaan maal-maha soo socda Musharrax-nimadooda Xoghayaha guud ee Xisbigaas.

 

Geesta kalene Xoghayihii ku meel gaadhka ahaa ee xilkaas hayey mudda’da dheer ayaa u muuqda hadda mid ay godkiisii biyo ugu soo galleen,kaas oo markii hore ahaa mid gacanta ka qaatay sharcigii Xisbiga WADDANI,maddaama lagu tartamo jagadaas,isla markaana ay rag baddan oo qamaamuur ahi ay u xusul duuban yihiin,hase-yeeshee lama ogga inuu isagu u tartamayo xilkaas iyo in kale,balse waxay wax-baddani kale caddaan doonnaan maal-maha socda.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...