Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo,

0
Thursday September 16, 2021 - 17:27:28 in News by
  • Visits: 5617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo,

    Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo,

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa la xaqiijiyey in uu wax ka yar laba bilood kadib si rasmi ah u wareejinayo kusriga Guddoomiyenimada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu xilkiisa hayay tan iyo markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mansabkaasi uga horreeyey uu xilkaasi ku wareejiyey sannadkii 2010-kii.



Kadib muddo dhawr sano ah oo hadal haynta wareejinta kursiga Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ay soo taagnayd ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa ay wararka naga soo gaadhaya xisbigaasi tibaaxayaan in uu dabayaaqada sannadkan aan ku jirno ee 2021 uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejin doono Wasiirkiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay muddo dheer rafiiq ku soo ahaayeen dhinacyada siyaasadda iyo halgankii dib u xoraynta.




Loading...
Loading...