Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ka Hadlay Covid-19 Oo Todobaadkii Udambeeyay Ay Udhinteen 24 Ruux

0
Thursday September 16, 2021 - 16:35:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ka Hadlay Covid-19 Oo Todobaadkii Udambeeyay Ay Udhinteen 24 Ruux

    "taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku"

Hargasya (HWN) Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.



Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada siiyay war-bixin la xidhiidha amniga, iyo  nabadgelyada guud ee dalka. Wasiir Maxamed Kaahin, Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo.


Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku. Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin.


Ugu danbayntii, Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegayn wixii lidi ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xoriyada saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka.

Loading...
Loading...