Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Maaliyadda Iyo Hay'adda Caymiska & Halka Uu Salka Ku Hayo

0
Thursday September 16, 2021 - 11:22:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Maaliyadda Iyo Hay'adda Caymiska & Halka Uu Salka Ku Hayo

    "Dawlad ayaa la wada yahay,haddii aan la wada shaqayn oo dawladda iyo Hay'addaheedu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawlad ayaa la wada yahay,haddii aan la wada shaqayn oo dawladda iyo Hay'addaheedu"

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Maaliyadda Iyo Hay’adda Caymiska & Halka Uu Salka Ku Hayo

 

 

Hargeysa, (HWN) – Khilaaf hor leh ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’adda Caymiska Qaranka kaasi oo ku saabsan buuq ka dhashay Lacag culus oo Hay’adda Caymisku ku soo rogtay Ganacsatada gaadiidka kala soo degta Dekedda Berbera  iyo shirkad cid gaar ahi leedahay oo Mashruucaasi kooto loogu xidhay.

 

Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawed Bukhaari  oo arinta Warbaahinta uga waramay Shalay ayaa ku hanjabay in haddii uu dhaboobo warka la sheegayo ee ku saabsan in Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire uu soo saarayo warqad la sheegay inuu ku joojinayo Kootada Hay’adda Caymiska Qaranku ugu xidhay shirkadda AMAANO, uu qaranku halis galayo, islamarkaana ay lumi doonto kala dambayntii hay’adda Qaranka ee kala madax bannaanaanta.

 

Gudoomiye Bukhaari oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Dawlad ayaa la wada yahay,haddii aan la wada shaqayn oo dawladda iyo Hay’addaheedu wada shaqaynin wax dhaqaaqayaa majirayaan, Qaranimaduna Halis ayay galaysaa. Wasiir Maaliyaddu waa wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidku waa Wasiirka Gaadiidka, labaduba waa ogaayeen oo Xog ogaal ayay ka ahaayeen, kamaanu qarin, markaanu waajinaynay waanu sheegnay, waanu ka dhaadhicinay, wasiirka gaadiidkuna warqad ayaabu qoray, intuu nala qaatay yidhi, Isu duwihiisa Gobolka Saaxil ku socodsiiyay, arinta la isla qaatay oo aan hadal laga keenin ayay ahayd”.

 

Isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Wararkaas la sheegayo ee Wasiirka maaliyadda ee la hadal hayo, Wasiirka Maaliyaddu, Wasaaradda Maaliyadda ayuu Wasiir u yahay, Halkan aniga ayaa Gudoomiye ka ah, waa in la isku ixtiraamaa Shaqada, maadaama oo ay sidaasi tahay , laba ha’addood oo kala madax bannaanu ayaanu nahay, Hawshan aanu galnayna laab lakac kumaanu galin eh ee Tashi balaadhan oo masuuliyiinta Qaranka, masuul kasta oo ay khusayso, ka u sareeya haday tahay, la tashigeeda ayaanu kala samaynay, cidlo kamaanu abuurin”.

 

Ugu dambayn waxa uu yidhi "Markaan waxaanu leenahay, warkaasi la sheegayo iyo hadal hayntaasi haddii uu jiro oo uu soo baxo waxa weeyi dawladdii oo kala socota, waana ceeb, filimaayo inuu jiro, oo wasiirka maaliyadu leeyahay Warqad ayaanu soo saarayaa oo waan joojinayaa, dee waxay noqonaysaa in wax waliba meesha ka baxaan, amarkii iyo kala dambayn lunto, ninku warqadda uu doono uu qoro, siday doonto ay u socoto, taasin ceeb keento, wixii dhexdayada aanu ka wada shaqaynayo waa nidaam laakiin awooddaasi cid ayaa iska leh”.

 

Bukhaari oo u hanjabaya Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ee kasoo horjeeda Amarkiisa ayaa waxa uu yidhi "Ma nimanka raba inay lasoo degaan gaadiid wada qanax ah "Duug ah” oo dadka jiidhaya oo aan Biriik lahayn, BBG-ga ayay ka cabanayeen oo ay lahaayeen Badqabka naga daaya, ma waxay rabaan wax kasta intay keenaan oo ay lacag ka qaataan inay magaalada ku sii daayaan, oo uu dadka jiidho oo uu la rogmado, waan in laga tijaabiyaa, in qiimaha ay siinayan la eegaa oo xiitaa ALBAABKU Dhinaca uu ka furmayo la eeggaa, Caymis yar ayay ka cabanayaan”.


Loading...
Loading...