Saleebaan Bukhaari Oo Difaaci Kari Waayay Doodda Ka Dhalatay Kooto Sharciga Baal Marsan Oo Loo Xidhay Shirkadda AMAANO

0
Thursday September 16, 2021 - 11:15:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saleebaan Bukhaari Oo Difaaci Kari Waayay Doodda Ka Dhalatay Kooto Sharciga Baal Marsan Oo Loo Xidhay Shirkadda AMAANO

    "Bulshada Somaliland waan u cadaynay, waan u sababaynay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bulshada Somaliland waan u cadaynay, waan u sababaynay,"

Hargeysa, (HWN)  – Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawed Cali "Bukhaari” ayaa ka jawaabay eedaymo xafiiskiisa dul hoganaya oo ku saabsan qaabka uu u bixiya kootada mashruuc caymiska Gaadiidka Dekeda Bebera ah kasoo dega, taasi oo lagu dhaliilay inaanu qaab sharci u marin. Waxaa uu sheegay in si gaar ah xafiiskoodu ugu garteen inay shirkad gaar ah oo AMAANO layidhaa mashruucaasi u siiyeen.

 

Gudoomiye Bukhaari oo Warbaahinta la hadlay Shalay islamarkaana arimhaasi faah faahinaya ayaa yidhi "Bulshada Somaliland waan u cadaynay, waan u sababaynay, way ku qanceen, Waxaa Alxamdulilaahi ah in Maanta ay ka bilaabantay Berbera Gadiidka Dekedda kasoo degaya iyo Gaadiidka galayaba labadaba ay diyaar u yihiin oo aanu isla qaadanay oo ay soo jeediyeen in 15-9-2021, oo maanta ah in la bilaabo, kaasi ayaanu dhaqan galinay, odayaashoodii, Madaxdoodii, gaadiidlay haddii ay yihiin iyo ganacsato haddii ay yihiinba, waanu isla qaadanay, waliba Shalay oo ka horaysa maalintaan caynay, gaadiid ayaa qaatay, saakana diyaar ayay u ahaayeen”.

 

Waxa kale oo uu yidhi "Waxa jira Warar warxumo tashiil ah ama warar aan xaqiiqo ahayn oo saakaddii hore markii la doonayay in shaqadda la bilaabo Dekedda Berbera ku faafay, iyo magaaladda Gudaheedaba oo ah, In hawshii Caymiska la joojiyay, oo laga noqday, markaa waxaanu sheegaynaa bulshada, go’aankaasi waxa badelay ma jiraan, sidiisii ayuu dhaqan gal u yahay, waa fulayaa, hay’adda Caymisku waa Hay’ad Madax Bannnaan, Xilkeedda iyo Waajibaadkeeda u madax bannaan, Cidlo kamaanu unkin eh waxaanu raacnay xeerarka ay hay’addu leedahay ee ay ku shaqayso iyo waajibaadka Awooddaha siinaya Masuuliyiintoodda la tashi halka u saraysa iyo cid walbana waanu la tashanay,ma ahayn Hawl qarsoon, markaa waxaanu u sheegaynaa gaadiidlayda Dekedda galaya iyo kuwa lasoo degayaba waa dantiina, waa inaad caymiska qaadataan”.

 

Sidoo kale waxa kale oo uu yidhi "Qiimaha lagu kala qaadanayaa waa Qiime macquul ah oo aanu hubinay, oo aan dhibaato weyn keenayn, markaan eegnayna aad u hooseeya, waanna mid iyaga loogu adeegayo, dhamaanna hore ayay u aqbaleen, waxaanu soo jeedinaynaa in Amarkaasi sidiisa u fulo”.

 

Mar wax laga waydiiyay qaabka ay u soo xusheen shirkaddan ay u xidheen caymiska Gaadiidka Bebera ayaa waxa uu yidhi " Anaga ayaa Qiimaynay, Xeerka ayay ku taalaa inaanu xadaynayno, inaanu jaan goynayno, inaanu shirkadda aanu u aragno inay gudanayso hawsha ayaanu siinaynaa, xaq ayaanu u leenahay, xeerka ayaanna awood noo siiyay, waajibaadka ayay ku taalaa, halkaasi ayay ku qoran tahay, shirkaddii markaanu qiimaynay ayaanu siinay, Shirkaddaha Liisanka qaatay way wanaagsan yihiin,  laakiin markaanu sababo badan u eegnay, waxaanu nidhi shirkadda AMAANO waa inay hawshaa Qabataa, laga bilaabo Maanta oo ay Bishu tahay 15-09-2021, Illaa 14-09-2022-ka”.

 

Ugu dambayn waxa uu yidhi "Anaga ayaa qiimaynay, anaga ayaa sababaynay, anaga waajibkii Hay’addu lahayd weeyi, si gaar ahna shirkadaasi inaanu ku eegno ayay noqotay, AMAANO ayay noqotay, waa in la aaminaa oo sidaasi lagu qaataa,oo la isku ixtiramaa”. Ayuu yidhi Gudoomiye Bukhaari.


Loading...
Loading...