Gabay Xayirkeygii.

0
Thursday September 16, 2021 - 10:22:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabay Xayirkeygii.

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Suugaantu Waxa kaydiyaha afka, hiddaha iyo dhaqanka. Sidaas ayey diwaanka ku galaan suugaan kasta oo xilli la tiriyey iyadoo la ogsoonyahay u jeedadii loo tiriyey.



Gabay xayirku waa nooc Kamid ah jaadadka suugaanta soomalida loo tiriyo, waa gabay dheeg, waa gabay qof tiriyey oo ku saabsan dhacdo, oo  gabyaa kale si kale u sheegay isagoo xaraf raacay gabaygii ka horeeyey macnuhu se  marna isku mid waa noqdaa mar na waa kala duwanaadaa.
Gabay xayirka wanaagsan waxa lagu gartaa inu xaraf raaco gabayga uu dheeganayo ee isaga dartii uu u xayirey gabayga.


Doorashadii 1967-kii Jamhuuriyadii somalia ka dhacday waxa laga guulaystay Aadan cabdule cisman oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliya, wuxu xukunka hayey mudo 7sano ah waxa 1967-kii ka guulaystay cabdirashiid cali sharmaake oo isna ahaa madaxweynihii labaad ee jamhuuriyadii somaliya yeelato.

Hadaba Adeerkay Abwaan axmed ismaciil Diiriye (qaasim) ayaa waagaa ka gabyey dhibtii aadan cadde lagu qabay ee shacbiga somaliyeed ay ka sheegan jireen, wuxu xusayaa in dadka somaliyeed nasiib leeyihiin hadii aanu aadan cadde markale kusoo noqon. Nolol barwaaqo ah in la geli doono ayuu dadka ugu bushaaraynayaa isagoo arintaa tilmaamayaa waa kii lahaa:



-Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow'e
-Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
-Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
-Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
-Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
-Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
-Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
-Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
-Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
-Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
-Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
-Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
-Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
-Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
-Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
-Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
-Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
-Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo.
 


Taariikhdiu ayaa isasa soo celisay, oo halkii aadan cadde waxa soo galay nin farmaajo la yidhaa oo dalkii dhamaa uu isaga u xayiran yahay, doorashadii oo muddo dhaaftey waa qofka wali kaabadaha hor dhigtey oo in dhinac loo jiheysto wali isaga uma muuqato, mar buu qalinka iskugu duugay 2sano oo muddo kordhin xaaraan ah, mar kale wuxu khatar galiyey 3 million oo shacab ah oo xamar ku nool kuwaas qaybo badan oo kamid ahi ay ka barakaceen guryahoodii kadib markii uu cudud ciidan uu adeegsaday.

Gabaygan hoos ku qorani waa gabay-xayir uu  qoraagu tiriyey isagoo ka dheegaya gabaygii qaasim, xaraf raaca iyo macnaha ba labada gabay waa iskaga mid xag loo eegaba.

gabaygu wuxu xusayaa nataaqada uu farmaajo ku hayo dadkiisa iyo Sida uu madaxweynuhu marwalba uga go'an tahay hagar daamada ummadiisa, mar kale wuxu gabaygu xusayaa Neecawda Roobka wadata ee geyiga  timid oo uu ula jeeday R/wasaare Rooble oo ah nin dalka iyo dadkaba u tudhaya Sahan wanaagsana u sahamiyey dadkiisa, gabo-gabada gabayga ayuu xusayaa in nabsigu aanu soo dhixin ee qofkii galabsada uu haleelo sidaana uu farmaajo ku bixi doono wuxu yidhi:




-Niyad baan u gamayaa mahdoow Nuurka Noo yimide
-Nabaradaan lasoo jeedi jirey Haatan Naga go'e
-Nuxuustii ilaah naga qabay Nacabkii soomaale
-Naruuriyo caafimaad baa bedelay Nabaradiisiiye
-Neecoow Roobleh baa timi Aradka noo doojay
-Nasiib baanu leenahay hadaan Farmaajo  soo noqone
-Sharciga iyo xeerkii la nacay ee naaqiska ahaaday
- imikuu dawlanimo nurkeedu iman nafaha Soomaale
-Nataaqada uu gaadhsiiyey dadkii Nugul na loo reebin
-Noolaatay ifafaaladii Shacbigu Nolol ka dhowraayey
- Nabadgalyo diid kursiga inu Nacam  wareejaaye
-Nasteexo way u tahay cadliga Nooca uu yahaye
-Nabsiguu gelaayaa qaban kuna negaan maayo.


W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal
[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...