Goormaa Somaalidu Dookha Madaxweynayaasha Ka Xoroobayaan Oo Distoorkalagu Dhaqmayaa.

0
Thursday September 16, 2021 - 10:08:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormaa Somaalidu Dookha Madaxweynayaasha Ka Xoroobayaan Oo Distoorkalagu Dhaqmayaa.

    W/Q: M Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M Baashe

Waxyaalaha wadanka Somaliland iyo Somalia ba ka jura mammal ahaan aad Bay uga fog yihiin hab dhaqankii dawladnimo oo dookhii Madaxweynayaasha ayaa isku  fuuqsaday shaqooyinkii institutions qaban lahaayeen.

 

 Madaxweynihii markuu kursiga yimaado isagaa khasnajigii iyo bangigii dhexe waa usaga, Maxkamadii waa usaga,  Ciidamadii oo dhan waa isagaa amarkii maalinlaha ahaa bixinaya, Xeer ilaalintii iyo Debbi baadhidii waa isaga.  Siyaasadda Madaxweynayaasha ha  (domi ate) garayso Xukuumaddiisa laakiin yeyna (dominate) garayn DAWLADDNIMADA Mise weli la kala garanmaayo DAWLADDA iyo XUKUUMADDA kolba JOOGTA.

 

XUKUUMADDA way is bedbedalaysaa DOORASHOOYINKAAWGEED awgeed laakiin Dawladu Mar walba WEY JOOGaysaa oo ciidamadaa ka mida, shaqaalahoo dhambaa ka mida, Baarlamaanadu ayaa ka mida, Maxkmadahaa ka mida.

 

Dawladu maahaa nin wasiir iyo agaasime iyo Madaxweyne Mar meel loo dhiibay.

 

DAWLADDA HARGEYSA ka jirtaa waa inay si la mida uga jirtaa Goboladoo dhan, imika DAWLADDA HARGEYSA ka jirtaa Laascaanood kama jirto waa hubaal, sidaynu aragno dawladnimada iyo Distoorku waxay Inaga NOQOTAY Madaxweyne DOOKHIISII, IMIKA NIN HADAL DHALIIL DAWLALADEED YIDHI AMA DHALIIL MADAXWEYNE YIDHINA SHAN BOQOL OO KILOO METRE BAA GURIGIISII LOO DAADANAYAA SIDA COLDOON, LAASCAANOODNA KUWA MADAXDII KU LAYNAYAA XITAA XUKUUMADDA IYO MADWEYNE KA HADLAYAA MA JIRO MARKAA DAWLADNIMADII WAXAY INAGA NOQOTAY ' DOOKH MADAXWEYNE, CULIMADII WAXAY INAGA NOQOTAY BAAYAC MUSHTARI, TIJAARTII WAXAY NOQOTAY FULAYAAL, BULSHADII WAXAY NOQOTAY' WALLEE NIN HURDAW HALAWDAY DANTAA. SIDAN WAXAYNU KU SUGAYNAA ISBEDEL KA ETHIOPIA IYO SOMALIA INTUU INA SAAMAYNAYO LAAKIIN MEEL SOMALILAND U SOCOTAA IYO QORSHE WADANINIMO OO MADAXWEYNE INOOGU MAQANYEY MA JIRO.

 

IMIKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI SIDUU ISAGU JECELYEY BUU DANTA QARANKA U ARKAA TAASINA SOMALILAND DISTOOR UMA NOQON KARTO EE RAADKII SHALAY AYNU SOO MARNAY AYUU BAYNU DIB ISU DULTAAGAYNAA, WAA GUUL DARO SIYAASADEED IYO JAHA WAREER.

 

M BASHE.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...