Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho
Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo isugu jira Boolis iyo Millateri u kala saftay labo beel ayaa ku dagaalamay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka labada Ciidan ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul ku yaal agagaarka Hotelka Jowhara, waxaana labada Ciidan ee dagaalamay mid kamid ah ay ka amar qaataan Sarkaal lagu Magacaabo liibaan Madaxweyne oo ka tirsan Ciidamada Milateriga.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo Shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Sidoo kale waxaa dagaalka ka dhashay khasaaeo hantiyadeed, iyada oo ay ku burburtay Mooto Bajaaj ay rasaastu gaartay, balse la sheegay in uu badqabo qofkii waday.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobta lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in mararka qaar rasaas goos voos ah la maqlayo, isla markaana ay istaageen isku socodka dadka iyo Ganacsiga.