Dib-u-jeedinta siyaasadda arrimaha dibadda ee MBZ waxay dib u qaabayn kartaa Bariga Dhexe

0
Thursday September 16, 2021 - 08:57:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib-u-jeedinta siyaasadda arrimaha dibadda ee MBZ waxay dib u qaabayn kartaa Bariga Dhexe

    isbedeladaa dhacay iyo is dhalan rogaa ku yimid sida lama filaanka ah yaa keenay ballan-qaadyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isbedeladaa dhacay iyo is dhalan rogaa ku yimid sida lama filaanka ah yaa keenay ballan-qaadyada



Afgambigii Afgaanistaan ee Daalibaan wuxuu dhaliyay dhul-gariir ku safray gacanka. waxaana qeexmaya cidda iyo halka siyaasada gobolku u wareegayso.

 

Xulafooyinkii sanadahan samaysmayey ayaa u muuqda kuwo kala dildilaacaya. degdegsiimadii ka bixitaankii Mareykanka ee Afgaanistaan ayaa si weyn oo la mid ah Kabul looga dareemay Riyadh, Abu Dhabi iyo Tel Aviv .

 

isbedeladaa dhacay iyo is dhalan rogaa ku yimid sida lama filaanka ah yaa keenay ballan-qaadyada iyo lacago aad u fara badan oo uu hoggaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadku u ballanqaaday Turkiga, dawladahaas oo ka mid ah kuwa sida xooggan ugu tartamaya saamaynta gobolka.

 

Turkiguna oo aan markii hore xisaabta ugu jirin Abu-dabi ayay dantu keentay in laga raadiyo xidhiidh. Wax yar ka dib markii uu dhawaan la kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Tahnoun bin Zayed, Amiirka dhaxalsugaha ah ee Mohammed bin Zayed walaalkiis iyo madaxa amniga, oo booqasho ku tegay Ankara si uu u hagaajiyo xidhiidhka labada dawladood.

Sanad uun ka hor, Imaaraadku waxay ku boorinayeen Sacuudi Carabiya inaysan ka laaban go’doominta Qatar lagu soo rogey. Hayeeshee booqashadan ugu dambeysay ayaa ah aqoonsiga in xannibaadda ay ahayd guul -darro aad u weyn. Dalka Qadar ayaa noqday saaxiibka ugu weyn ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee Khaliijka, waana midka uu ku tiirsanaa daad -gureynta Afgaanistaan iyo la xiriirka Taliban.

 

Bilowgii xannibaadda Qadar la saaray, wuxuu ahaa markii lagu calaamadiyey inay gabaad u tahay argagixisada iyo Islaamiyiinta, oo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu bartiisa twitterka ku soo qoray inuu oggolaaday tallaabada Sacuudiga iyo xulufadiisu ka qaadeen Qadar.


Loading...
Loading...