Balaayiin bay UAE ballan qaaday
Erdogan wuxuu laabtiisa ku haystaa wixii ay isku waydaarsadeen taleefankii uu dhowaan la yeeshay MBZ. In yar oo dadka la aamini karo ah uun baa og waxa uu amiirkii dhaxalsugaha ahi ballan qaaday. Sida laga soo xigtey ilo-wareed, MBZ wuxuu Erdogan u soo bandhigay maalgashi ka badan $ 10bn.
Si ka duwan sida loola dhaqmo milateriga dowladda Suudaan, ama Madaxweyne Kais Saied ka Tunisia, Erdogan laguma sameynin inuu muddo dheer sugo inta lacagtu uga imaanayso. shirkada Aramex ee fadhigiisu yahay Dubai ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo ugu jirto sidii ay u iibsan lahaayeen shirkadda MNG ee Kargo keenta turkiga.
Sir badan baa ka jirta Ankara, laakiin hal shay ayaa cad, dardargelinta dib-u-wada shaqayntu waxay ka imanaysaa Abu Dhabi. Erdogan se waa ka digtoon yahay, waayo aasaaska siyaasadda arrimaha dibedda ee Turkigu waa mid sal adag leh. Balse Labaduba qoloba waxay leeyihiin sababo ay si taxader leh isula qaadaa dhigaan balamaha ay wadda galaan.