Agaasime Cusub Oo Loo Magacaabay Taliska NISA Ee Gobolka Banaadir

0
Wednesday September 15, 2021 - 18:01:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Cusub Oo Loo Magacaabay Taliska NISA Ee Gobolka Banaadir

    "Xilka agaasimaha gobolka Banaadir ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xilka agaasimaha gobolka Banaadir ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud"

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ee uu Ra’iisul Qasaare Rooble dhowaan magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Taliyaha Nabad-Sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac), sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

 

Warqadda ayuu Bashiir ku yiri "Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/09/2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda."

 

Waxa uu sidoo kale faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu ka guto mid walba waajibaadkiisa.

 

Xilka agaasimaha gobolka Banaadir ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, hase yeeshee dhowaan ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu Yaasiin u magacaabay agaasimaha guud hay’adda NISA.

 

Hay’adda NISA ayaa hadda leh laba agaasime oo ay kala magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Nadaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.



VOA

Loading...
Loading...