Cabdoow Dalkan Dadkii Lahaa Ma Joogaan

0
Wednesday September 15, 2021 - 09:15:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdoow Dalkan Dadkii Lahaa Ma Joogaan

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo xaqii ku helay magaaladda hargaysa Bishan September 3deedii oo ku beegnayd maalin Jimce ah, oo ah maalinta ugu khayrka badan todobaadka, muslimiintu meel kasta ka oogaan salaadda jimce oo ah mid waajib ah in la tago oo aan laga baaqan ayaa ay naftu daysay, waxaana ay taasi astaan u ahayd wanaaggii Cumar isagoo ah saaxiib qaaliya oo aan ku tilmaami karo inuu ahaa (my soul mate) aan la heli karin isagoo kale.

 

Waxaanu lahayn dood wadaag iyo siyaasad sheekaysi wadaag oo marka aan Somaliland u tago fasax ayaan la soo hadli jiray cawayskii aniga oo qaybta hore ku soo qaadan jiray cawayskayga hotel Maan-Soor, ka dibna inta aanu seexan ayaan la soo hadli jiray kuna odhan jiray ma cid baa kula joogta, waxaanu iigu hal celin jiray mayee ii kaalay aan sheekaysanee halkaas ayaan ugu tagi jiray isaga oo fadhiya

fadhigga gurigiisa oo galbeed kaga beegnaa Hotel Maan-Soor, gurigaasi oo ah mid aad loo qurxiyay oo aan ku dangiigsan jiray kuraasta balbalaadhan ee fadhigga ku teedsan mid ka mid ah. Halkaas oo salaan ka dib aanu isla qaadaa dhiggi jiray siyaasadda Somaliland, Somaliya iyo tan adduunka oo aanan halna isla diidi jirin, Cumar waxa uu ahaa qofka kaliya ee aanu laba indhood wax ku wada aragno dhanka siyaasadda, taas oo ah ta aan diiradda ku saarayo maqaalkan.

 

Dhanka kale, ee noloshana waxaa uu ahaa qof aad u naxariis badan oo dulqaad badan oo dhanka wanaagsan wax ka eegga, mar walbana ku odhanaya "haaye walaal” waa sidaa iyo sidaa, isagoo dhanka togan qaadanaya mar kasta, oo aad is odhanyso waxa uu ahaa qofkii ugu dulqaadka badnaa ee aan arko! Waxaanay dhan wax badan ka wadaagi jireen hooyadday Aamina Caabi oo sidiisa ahayd oo wax kasta oo nolosha ka soo waajaha dhanka dulqaadka iyo xaraggadda ka qaadan jirtay, waana astaan aan la heli karin oo Eebbe ku manaystay in yar uun uunkiisa taas baanan ku hubaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan.

 

Cafiskii Cumar waxa uu ahaa mid aan loo wada sinayn. Eebbe waxa uu siiyay astaan kale oo wanaagsan oo qof haddii uu xumeeyo waxa uu kaga falcelin jiray cafis aan shurruud ku xidhnayn, oo waxa uu ku odhanayaa "iska daa waxba ma laha e” waxaan ku hubaa taaso oo uu marar badan yidhi isagoo qofkaa ama qofafkaasi xumeeyeen "Yaan waxba loo raacin”, taasina waa astaan dhanka diinta ku wanaagsan isla markaana ah gobanimo qofeed oo aanay dadku wada hanan Karin. Taasna waan ku hubay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo waxaanan u soo jooggay cafisyo badan oo bixiyay oo aan ciddina si dhayal ah mar iyo marar badan iskaga tagi karin shay ay xaq u lahayd ama uga tanaasuli karin.

 

Dhanka siyaasadda iyo camalkeed, waxa uu soo qabtay labo jaggo oo Jabuuti Iyo Ethiopia oo uu ka soo noqday wakiil somaliland u fadhiya waxa kale oo uu wax badan ku lahaa imaatinkii shirkadda Total ee berbera saldhigga ka samaysatay, xilliggii uu wakiilka ahaa. Intaas uun maaha ee Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan, waxa uu ahaa siyaasi rug cadaaya oo aanu sheeko wadaag ku ahayn siyaasadda adduunka iyo ta gabidhaclaysa ee Somaliland ee aan salka iyo baarka toona lahayn ee hadba qof meesha uu rabo u toocsado.

 

 

 

Waxa kale oo uu Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ahaa qoraa oo waxa uu qoray buug uu ku uriyay dhacdooyin iyo xikmaddo soomaaliyeed oo la idhaa "Murti Iyo Mahadhooyin” oo la soo daabacay lana soo bandhigay, halkaasna waxa uu ka soo galay inuu Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ahaa dadka safka hore kaga jira bulshadda oo qoraal iyo dhigaalba uga tagay, waana astaan kale oo wanaagsan inaad wax akhrido waliba qorto waana dhigaal uu uga tagay dadka reer Somaliland iyo kuwa soomaliyeed oo aynaan ka sheeganayn afka iyo suugaanta, laakiin siyaasaddu inoo kala soocan tahay.

 

Dhanka cibaadadda waxa uu ahaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan qof ku wanaagsan oo marar badan ayaanu salad jameeco ku wada tukanay, isagoo waliba mararka qaarkood xanuunsanayay haddana marnaba adduun iyo caadaddii kama baajin inuu Alle ku xidhnaado taasna waan ku hubaa oo waa astaan kale oo adduun iyo aakhiraba qofka anfacdda marka uu adduunka ka galbadana waa taa u ah dhigaalka ee aan marnaba ka habaabayn.

 

Siyaasadda waxa uu ahaa dadka faro ku tiriska ah ee leh faham siyaasadeedd waliba ta caalamigga ah ee adduunku ku dhaqmo maanta oo in yari uun ka leedahay soomaalidda guud ahaan, ha ahaadeen somaliland dadkeedda ama qowmiyadda

soomaaliyeed guud ahaanteedba. Waxaanu marar badan ka sheekaysanay siyaasad iyo caadkeed waliba waxa uu marar ii soo diray warbixino anfac u leh dalka Somaliland haddii cid dhago u leh la helo, waxaanan aad ugu talax tagnay dhanka aqoonsi la’aanta Somaliland oo uu ka bixiyay faallooyin dhaadheer oo badiba ciddi ma dhagaysan.

 

Hadda ayuunbaan maqalayaa madaxtooyadda somaliland ayaa dhanabaal tacsi ah dirtay oo tolow intii uu noolaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan xaggay jirtay madaxtooyadda Somaliland, maalin lama arag masuul soo dul joogsadda oo u aqoonsadda wixii uu dalkiisa u soo qabtay. Ha buko ama ha caafimaad qabo waa soomaali iyo caaddeed oo waa kuu abwaan Gaariye hore uga afeef dhigtay ee suugaan dhumuc leh ka tirayay.

Kani ma noqon doono maqaal kaliya ee aan Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ka qori doono. Waxaan ku xigsiin mid kale oo aan kaga sheekayn doono sheekooyin layaab leh oo uu lahaa iyo sida uu faham sare ugu lahaa qaabka dublamaasiyadda oo aan uga marag kacay sida uu xariif ugu ahaa waxaanan ku soo afmeerayaa duco aan Alle uga baryayo inuu Xaajiga ku manaysto darajo sare oo ah Jannatul fardowsa. Eebe ha uga dhigo hoygiisii dhabta ahaa ee aan laga gaboobayn lagana faqriyayn. AAMIIN AAMIIN AAAMIN.

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...