Sisi-ga Masar ayaa Qaahira kula kulmay taliyaha bariga Libya Khalifa Haftar

0
Wednesday September 15, 2021 - 08:34:23 in News by
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sisi-ga Masar ayaa Qaahira kula kulmay taliyaha bariga Libya Khalifa Haftar

    Intii uu socday kulankii Salaasadii, Sisi wuxuu ku celiyay baaqiisii ​​ahaa in dhammaan ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu socday kulankii Salaasadii, Sisi wuxuu ku celiyay baaqiisii ​​ahaa in dhammaan ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan.



Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa Talaadadii Qaahira ku qaabilay taliyaha bariga Liibiya Khalifa Haftar iyo afhayeenka baarlamaanka Aguila Saleh, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in doorashooyinka qaranka la qabto waqtigii loogu talagalay bisha December, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

 

"Masar waxay sii wadi doontaa inay isku-dubbariddo dadaalladeeda ku wajahan dhammaan walaalaheenna Liibiya si ay gacan uga geysato xaqiijinta midnimada iyo wada-jirka hay’adaha dawladda Liibiya si loo xaqiijiyo guusha doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha,” ayuu yiri Sisi.

 

Haftar, oo ay taageerayaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haya inta badan qaybta bari ee dalka, intii u dhaxaysay April 2019 iyo June 2020, Ciidankiisa Qaranka Liibiya (LNA) ayaa weerar bahalnimo ah ku qaaday Tripoli iyagoo isku dayaya inay caasimadda ka qabsadaan dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

 

Weerarka ayaa dhicisoobay iyada oo ay iska caabin xooggan kala kulmeen dowladda iyo xulafadeeda, oo ay ku jirto Turki.

Wadahadallo nabadeed oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa keenay xabbad-joojin bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxayna dhiseen dowlad ku-meel-gaadh ah oo la filayo inay dalka u horseedo doorashooyin ka qabsooma December.

 

Doorashooyinku waxay la kulmeen dib-u-dhacyo bilihii la soo dhaafay iyadoo ergooyinka Madasha Wada-tashiga Siyaasadda Liibiya (LPDF) ay dhawaan awoodi waayeen inay ku heshiiyaan qaab-dhismeedka sharciga ee loo baahan yahay si loo abaabulo doorashooyinka & cod bixinta.

 

In kasta oo Haftar uusan shaacin musharaxnimadiisa, haddana waxaa la filayaa inuu ka qeybgalo codbixinta wuxuuna shaqaaleysiiyay dad u ololeeya oo fadhigoodu yahay Washington DC si ay ugu ololeeyaan uuna u helo aqoonsi & kalsooni lagu qabo.

 

Intii uu socday kulankii Salaasadii, Sisi wuxuu ku celiyay baaqiisii ​​ahaa in dhammaan ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan.

 

Sida laga soo xigtay QM, waxaa dalka ku sugan in ka badan 20,000 oo dagaalyahanno ajnabi ah waxaana joogitaankooda loo arkaa inay caqabad weyn ku yihiin qabsoomidda doorashooyinka.

 

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Reuters bishii July, ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah wuxuu ku sheegay inay aad u adkaan doonto in la mideeyo milateriga dalka, balse uu jiro wadahadal u socda iyaga iyo Haftar.

 

"Dabcan,Haftar, wuxuu haystaa ciidan adag, laakiin waan la xidhiidhnaa isaga. hayeeshee arrimuhu ma sahlana,” ayuu yiri Dbeibah.



 

 Middle East Eye ayaa lagu daabacay

Loading...
Loading...