Mudane Guurtida ka Tirsan oo Sheegay in Aanay Soomaaliya Xor Ahayn

0
Tuesday September 14, 2021 - 12:06:12 in News by
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Guurtida ka Tirsan oo Sheegay in Aanay Soomaaliya Xor Ahayn

    Mudane Guurtida ka Tirsan oo Sheegay in Aanay Soomaaliya Xor Ahayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Guurtida ka Tirsan oo Sheegay in Aanay Soomaaliya Xor Ahayn


Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Soomaaliya aanay xor hayn, isla markaana habeen iyo maalinba ay is haysato, dhibaatada ugu badani ay ka jirto, siyaasad xumada ugu badan ay ka jirta, meel aad moodo had iyo jeer in laba Qabiil oo kali ahi ku loolamayaan.




Xildhibaan Obsiiye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. "Soomaaliya iyaduna xor maaha adigu in aad xor noqotana doonimeyso, iyadu xor maaha oo habeen iyo maalinba waa ay is haysata, dhibaatada ugu badan ayaa ka jirta, siyaasad xumada ugu badan ayaa ka jirta, waa meel aad moodo had iyo jeer in laba Qabiil oo kali ahi ku loolamayaan, Soomaalida inteedii kalena lagu cunay, labadaasina laba heshiinaya maha, innaga qaar wax inoo hayana maha, marka inta Soomaaliya wax la inoo weydiinayo taas wakhtigeedii in aanu dhaweyn ayaan u malaynayaaā€¯





Loading...
Loading...