Xisbiyada, Xildhibaano Iyo Dadweyne Ka Qayliyey Shirkad Kooto Loogu Xidhay Caymiska Baabuurta
Xisbiyada, Xildhibaano Iyo Dadweyne Ka Qayliyey Shirkad Kooto Loogu Xidhay Caymiska Baabuurta
Xisbiyada Mucaaradka ah, Xildhibaanno iyo dadweyne ka qayliyey sharci darro-na ku tilmaamay Shirkad Kooto loogu xidhay Adeegga Caymiska Baabuurta.
Xisbiga UCID, Xildhibaanno reer Saaxil ah iyo aqoonyahanno iyo dadweyne kale oo ka qayliyey sharci darro-na ku tilmaamay tallaabo ay qaaday Hay'adda Caymiska Qaranka oo dhawaan la aasaasay, taas oo kooto ugu xidhay adeegga caymiska Baabuurtala soodegta Berbera shirkad gaar ah.
"Waa Xaaraan in Kooto Loogu Xidho Adeega Caymiska Shirkad Gaar ah. Wax la aqbali karo maaha In Shirkad gaar ah Kooto Loogu Xidho Adeega Caymiska Baabuurta ka soo dagaya Berbera.
Sida Dastuurka dalku sheegayo cidna kooto looguma xidhi karo waayo Dastuurka waxaa uu ka hortagayaa in aanu habka dhaqaale noqon mid horseeda in Barwaaqadu ku koobnaato Koox_ama_dad_tiro_yar awgeed ayaa sidaas loogu cadeeyay oo aanay bulshadeenu noqon Bulsho in dharagto iyo Faqri noqoto Sidaas daraadeed xeerka kasta iyo qodobkasta oo loo cuskado Waxaanu u aragnaa in uu Xaaraan yahay Shirkadaha Caymisku Waa in ay u dinaadaan Adeega Caymiska Dalka JSL" Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta iyo Saxaafadda ee Xisbiga Ucid Yusuf Kayse Guuxaa.
Xildhibaan Cali Qaran iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ka kala tirsan golaha Wakiillada iyo Golaha deegaanka Berbera, ayaa sharci daro iyo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in kooto shirkad gaar ah loogu xidho adeeg bixin Caymis.
Sidoo kale dadweyne kala duwan, ayaa ku tilmaamay taallabadan mid u muuqata lacag ururis iyo naasnuujin shirkad ay leeyihiin dad gaar ahi.
Loading...
Loading...