Magacyadda Xubno Ku Faraxsan Xilalka Wasiirnimo Ee Wakhti Daayacan Loo Magacaabay

0
Tuesday September 14, 2021 - 11:47:57 in News by
  • Visits: 1930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyadda Xubno Ku Faraxsan Xilalka Wasiirnimo Ee Wakhti Daayacan Loo Magacaabay

    Magacyadda Xubno Ku Faraxsan Xilalka Wasiirnimo Ee Wakhti Daayacan Loo Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyadda Xubno Ku Faraxsan Xilalka Wasiirnimo Ee Wakhti Daayacan Loo Magacaabay


Muddo Afar sanno ku siman oo uu xilka hayey Madaxweyne Biixi ayaa waxa meesha ka baxay kooxihii loogu yeedhi jiray weji ku macaashka oo ka koobnaa Madax-dhaqameedka iyo shaqsiyaad kale,kuwaas oo la soo shidaalin jiray,isla markaana inta baddan Tv-yaddda ka hadli jiray,hase-yeeshee laga raystay naxligii iyo xumaantii ay shubi jireen.




Kooxahan lagu magacaabo weji ku macaashka oo tv-yadda kolba ciddii wax u dhiibtay ka difaaci jiray ama ka amaani jiray oo meesha ka baxay markii Madaxweyne Biixi xilka qabtay, ayaa hadda u muuqda inay dib u soo if baxeen,kuwaas oo maal-mihii u dambeeyey laga arkayey Tv-ga afka Dawaladda ku haddla iyo qaar kale,iyagoo safaf ku jira,isla markaana shubaya wixii lagu soo shubtay.

Dhanka kalene kooxahan weji ku macaashka ah ayaa la arkayey maam-mihii u dambeeyey iyagoo Tv-yadda ka hadlay,kuwaas oo sidii looga bartay u abaabulan,isla markaana amaanaya qaar kamid ah masuuliyiinta uu dhawaan Madaxweyne Biixi xilalka u magacaabay,waxa kale oo xusid muddan in ay Madaxweynaha uga mahadcelinayeen Magacaabista Hebel, Hebel

Geesta kalena xubnahan uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Biixi ee weji ku macaashka soo abaabulay ayaa waxa kamid ah Wasiirka Biyaha Cali Mareexaan,kaas oo isku soo kiciyey oo soo abaabulay Odayaal iyo dhallinyaro ,kuwaas oo amaanay isaga,isla markaana Madaxweyne Biixi uga Mahadcelinaya Wasiirka uu ciyaarta soo gelliyey wakhti daayacan ee Cali Mareexaan.

Sidoo kalene Wasiirka cusub ee arrimaha debada Dr Ciise Kayd iyo Wasiirka BeerahaMaxamed Xaaji Cismaan Jaamac,ayaa iyana ilaa Balligubadle soo istaadhay Odayaal iyo Dhallinyaro,kuwaas oo safaf u gallay mahadnaqa Madaxweyne Biixi ay uga mahadcelinayaan labadaa muwaadin ee shaqooyinka ay xaqa u lahayeen uu u igmaday.

Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare oo isna uu dhawaan Madaxweyne Biixi uu Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga ,ayaa isna sidaas oo kale u abaabulay weji ku macaash,kuwaas sidaas si lamid ah iyana ku hambalyeynayey Madaxweynaha magacaabista masuulkaas,isla markaana aamaanayey masuulka xilkaa loo magacaabay.

Gunaannadkii dhaqamadan weji ku macaashka oo ah qaar wax u dhimaya sumcada Qaranimada Somaliland,isla markaana uu meesha ka saaray Madaxweyne Biixi markii xilka loo dhaariyey,taas oo lagu aamaanay Madaxweyne Biixi,ayaa hadda waxa muuqata inay dib u soo baxeen,balse waxa la dhawrayaa tallaabada uu qaadi doono Biixi inuu daysan doonno oo uu dan u arko wakhtigan iyo in uu meesha ka saari doonno



Loading...
Loading...