Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Suldaankii Guud Ee Beelaha Arab

0
Tuesday September 14, 2021 - 10:35:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Suldaankii Guud Ee Beelaha Arab

    Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Arab Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo xalay ku geeriyooday dalka Turkiga.



Waxaanu Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya ku sifeeyey marxuumka suldaan dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii bulshada Somaliland


Raysal Wasar ku xigeenka wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibadii iyo bulshada uu Suldaanka u ahaa, wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.


Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Loading...
Loading...