Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Taariikhda Suldaankii Guud Ee Beesha Arab Oo Geeriyooday

0
Tuesday September 14, 2021 - 09:32:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Taariikhda Suldaankii Guud Ee Beesha Arab Oo Geeriyooday

    "Waxa uu ku suntana dhawrista sharafta dhaqanka iyo hufnaanta sandaladda."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa uu ku suntana dhawrista sharafta dhaqanka iyo hufnaanta sandaladda."

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Arab Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo xalay ku geeriyooday dalka Turkiga.



Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay JSL, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, nin nabadeed ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, door weyna ku lahaa geeddi socodka Somaliland ee wada jirka iyo xasilloonida guud.


Waxa uu ku suntana dhawrista sharafta dhaqanka iyo hufnaanta sandaladda.

Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibadii iyo bulshada uu Suldaanka u ahaa, wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.


إِنَّالِلّهِوَإِنَّاإِلَيْهِرَاجِعون

    Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Loading...
Loading...