Hargaysa: Gabadh Laga Soo Badbaadiyay Bulaacad Ay Ku Dhacday

0
Tuesday September 14, 2021 - 08:36:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Gabadh Laga Soo Badbaadiyay Bulaacad Ay Ku Dhacday

    "Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn"

Hargeysa (HWN) Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay degmada 26 June nooca badbaadadaas oo ahayd Gabadh Bullaacad ku dhacday lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.

 

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay gabadhaas ka soo saaraan godka iyadoo badqabta.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

 

Dadweynihii goobta joogay iyo eheladii gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyeen gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo gurmadkii ay waydiisteen, waxanay sheegeen inay dadaalka ay dadkooda ugu shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.

 

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaada waxaana ciidanku ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.


Loading...
Loading...