Saadaashii Isbeddelka Mudadda Dheer Madaxtooyadda Laga Filayey Oo Hal-bacaad Lagu Lisay Noqotay

0
Monday September 13, 2021 - 10:53:15 in News by
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaashii Isbeddelka Mudadda Dheer Madaxtooyadda Laga Filayey Oo Hal-bacaad Lagu Lisay Noqotay

    Saadaashii Isbeddelka Mudadda Dheer Madaxtooyadda Laga Filayey Oo Hal-bacaad Lagu Lisay Noqotay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saadaashii Isbeddelka Mudadda Dheer Madaxtooyadda Laga Filayey Oo Hal-bacaad Lagu Lisay Noqotay


Inta badan bulshada reer Somaliland boqol iyo labbaatankii (120-kii) maalmood ee u danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen MadaxweyneBiixiinuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaas oo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay markii ay soo baxday guuldarrada Xisbiga KULMIYE uu kale kulmay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadka bishii may ee sannadka 2021-ka.

File:Somaliland Presidential Palace - Qasriga Madaxtooyada JSL.jpg - Wikimedia Commons


Geesta kale, marka si loo eego xaaladihii markaa taagnaa waxa la odhan karo, dhacdooyinkan oo dhammi waxay markii danbe isu-rogeen raggaad cusub oo kusoo saayi’dey cabashooyinkii ka dhashay qodxihii markii hore-ba ku taagnaa bulshada reer Somaliland, kuna kelifay hadal-haynaha la xidhiidha in Madaxweynuhu isbeddel ku sameeyo Xukuumadiisa, kuwaas oo marka doodaha arrinkan ee bulshada si gaar ah loo dhandhansho qaarkood u muuqdeen kuwo ku salaysan isbeddel togan oo waxtar leh inay helaan oo keliya.

Haddaba marka xaalku sidaa yahay inkastoo uu muuqdo kala duwanaasho afkaareed inuu ka dhex jiro mu’caaridka iyo shucuubta kale isbeddel doonka ah, balse hadana waxa qudhee labadan xaaladood la odhan karaa way iska shabbahaan, waa arrinka isbeddelka. Hadii aynu arrinta intaa ku dhaafno, waxa isweydiin mudan maxay ahayd ujeedada sababtay isku shaandheynta madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa? ma’se la odhan karaa Isku Shandheyn?.

Haddii aynu ku hormarno isweydiinaha hore, ee ku saabsan maxaa sababay, muxuu’se daaranaa isku Shaandheynta Madaxweynuhu dhowaan ku sameeyey Xukuumadda. Mida koowaad marka la eego xubnaha xilalkooda waayey,waxa lala xidhiidhiyey doorashooyinkii dhawaa ee dalka ka dhacay kuwaas oo uu Madaxweyne Biixi u arkayey kuwo qayb ka ahaa guul-darradii Xukuumadda KULMIYE ka soo gaadhay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,kuwaas oo uu dan moodday inuu baddelo,isla markaana uu magacaabo xubno uu bidday inay kalsooni ka haystaan degaanaddooda oo uu miciin bidday inay guul gaadhsiin karraan doorashada soo socota ee Madaxtooyadda

Dhanka kale, haddii aynu xooga iyana is-dul taagno meselada ku saabsan filashada iyo faa’iidada Xisbiga KULMIYE ugu jirta isku shaandhayntan ayaa waxa ay inta baddan ku doodayaan masuuliyiinta falaqeeya Siyaasada Xisbiga KULMIYE in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi ay ahayd kud ka guur oo qanjo u guur,isla markaana aanay wax faa’iido ah u keenay isaga, isla markaana uu lumiyey uun siyaasiyiin la soo halgamay,kuwaas oo ay kamid ahayeen Baashe Cawli Xaaji Cumar iyo kuw kale.

Siyaasi Jamaac Shabeel oo kamid ahaa Xisbiga KULMIYE aya sheegay in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi uu sameeyey ay tahay mid uu wax isku yeellay,isa markaana uu kubadda goolka u salaxay WADDANI "Afar sannadood ayuu soo cifanayey oo uu marba lahaa waxa aan samaynayaa isku shaandhayn ,markaas ayuu Agaasimayaasha ku wareegi jiray,waxa korrodhso ayuu is lahaa oo isku shaandayn sameee teegeeradaadii soo kordhi oo intii hore ka xooggee ayuu is lahaa ,lakiin wax taas ka soo horjeeda ayuu sameeyey,reerihii qaar wuu sii khaarajiyey oo daraf-yaddii wuu ka maar-may,isaqiina wax kordhiso ayuu is yidhi,lakiin wax ayuu is yeellay,Doorashada Madaxtooyadda sidii looga adkaan lahaa ayuu fududeeyey wuu sii salaxay kubadda .”ayuu yidhi Jaamac Shabee



Loading...
Loading...