Muuse Biixi Oo Balamo Kaga Baxay Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal

0
Monday September 13, 2021 - 10:49:00 in News by
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Balamo Kaga Baxay Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal

    Muuse Biixi Oo Balamo Kaga Baxay Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Balamo Kaga Baxay Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal



Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ballamo uu la gallay Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Awdal uu kaga baxay,isla markaana uu dhabarka ujeeddiyey,waxaana lagu eeyeeyey Madaxweyne Biixi inuu caaddaystay ballan ka baxa reer Awda..


 

Shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi reer Awdal wax-ba u oggolayn,isla markaana uu si gaar ah u caddaadiyo,waxaanay ugu baaqeen xubnaha ka soo jeeda Gobolkaas ee xilalka ka haya Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay iska wadda casileen xilalka ay ka hayaan Xukuumadda Biixi,maddaama oo xilalka loo dhiibay ay yihiin qaar quudhsi ah,waxaanay ku bilabeen sidan:-"Madaxweynaha Qaranka sidaa kama aanu filayn C-iyo D, haddii Beesha dhexe ay A qaadato waxay ahayd in uu B nasiiyo,maddaama oo uu C iyo D nagu tuuray annagu cadka maqaarka ma qaadano waanu diidanay cadkaas,waxa aad rabtaa doorkan soo socda in aad doorasho gasho,sidaas-na haddii aad ku socoto wax Gobolka Awdal kuu yaallaa oo aad ku tallogelayso in aad noqoto Madaxweynaha soo noqon doonna annagu ma filayno runtii.”


 

Waxa ay intaas ku dareen oo ay ugu baqeen masuuliyiinta xilalka ka haya Xukumadda Biixi ee reer Awdal inay iska soo casilaan xilalka "Waxa aan ugu baaqaynaa Wasiiradda laga dhigay D iyo C ee Gobolka Awdal dhammaan inay is casilaan ,waxa ka fiican cadka quudhsiga inta aad qaadanayso in aad is casishaan,waxaan kula tallin lahaa wasiiradda,wasiir ku-xigeenada,Agaasimayaasha guud dhammaan waxa kaga jira Dawladda reer Awdal inay is wadda casilaan,sidaana beesha dhexe aan ugu sacaba tuno,waayo cadka quudhsiga lama qaato adiga oo meesha ka maqnaada ayaa ka fiican.”ayey yidhaah-deen


 

Sidoo kalene shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanay wax-ba ka sugayn Madaxweyne Biixi inta uu xilka hayo"Sida ka soo muuqata ee ifafaalada ah ee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland uu ku dhaqmay ,wax fiican maahaGobolka Awdal-na lagama filayn in wax quudhsi ah aanu qaadano mihiimadu waxa weeye,Wasiiradda iyo masuuliyiinta reer Awdal ee Dawlada ka tirsan waxaan ugu baaqaynaa inay iska soo casilaan,waayo meeshaa wax-ba la inoogama oggolaninkaas inta uu meesha jooggana ma leh wax uu innaga rabbaa ee iskaga kaalaya.”


 

Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu caaddaystay ballan kaga baxa reer Awdal,waxaanu sheegay inuu ka baxay ballamo kale duwan oo uu la gallay"Madaxweynuhu markii doorashada la gellayey waxa uu ballan-qaaday oo dad waa weyn oo muddo kar ah uu ku yidhi ,markii ay kale hadleen saami qaybsiga Doorashada kadib ayaan arrintaa dhammaynayaa ,may dhammaan tii, waxa ayaan darro ah ballantii uu qaaday Madaxweynuhu ee uu ka qaaday markii uu olollaha ku jirayreer Awdal ee wax qabad lahayd muu fullin,waxa iyana nasiib darro ah ballantii uu ka qaaday Madax-dhaqameedkii iyo wax-garadkii reer Awdal ee salluuga tirsanayey ee uu yidhi doorashadu ha ina dhaafto ma fullin Madaxweynuhu, waxa aad mooddaa Madaxweynuhu in uu reer Awdal ballan-darradooda caaddaystay.”


 

Waxa uu intaas ku darray "Waa nasiib darro in halkii wax laga sugayey wasaaradda qudha inuu niman reer Awdal ah u kale qaybiyo "

 

Gunaannadkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in shacabka reer Awdal ay diyaar u yihiin inay beddelaan Madaxweynaha Biixi " Xisbi ahaan waxaan leenahay Wasiiraddaada iyo shaqaalahaaga oo aad kale beddeshaa macno baddan ma samaynayso,balse Madaxweyne adiga ayaa beddel u baahan,shacabka reer Somaliland farriintii ay direen Madaxweynuhu inuu beddel yahay ayey direen.”


Loading...
Loading...