Mudo 41 Cisho Ah Laba Masuul Ayaa Lagu Dilay Magaalada Laascaanood"...Xildhibaan Axmed-khaliif

0
Monday September 13, 2021 - 10:42:30 in News by
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo 41 Cisho Ah Laba Masuul Ayaa Lagu Dilay Magaalada Laascaanood"...Xildhibaan Axmed-khaliif

    Mudo 41 Cisho Ah Laba Masuul Ayaa Lagu Dilay Magaalada Laascaanood"...Xildhibaan Axmed-khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo 41 Cisho Ah Laba Masuul Ayaa Lagu Dilay Magaalada Laascaanood"...Xildhibaan Axmed-khaliif

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax ayaa ka hadlay dilalka amniga waxyeelaya ee mudooyinkii ugu danbeeyey ka dhacayey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.


xildhibaan Axmed-khaliif ayaa war uu soo saaray waxa uu kaga waramay falalka dilalka ah ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaanu warka xildhibaanku u dhignaa sidan:- 

"Mudo 41 Cisho Gudahood ah Ayaa laba Masuul lagu dilay magalada laasacanod gudaheeda, Labadaas Masuul oo mid xildhibaan ahaa midna Gudomiyihii Komishanka Qaranka ee Gobolka sool .

Ilaa hada cid loo qabtay majirto, laamaha Amaankuna ilaa hada kamay hadal,Cidii Falalkaas Waxashnimada leh Gaysatayna Meelna Dawladu Kuma sheegto, Cid loo soo Qabtayna oo loo xidhayna Hadalkeeda daa.

Suaasha iswaydiinta leh ayaa ah ee ilaa hada Caqligeygu qaadan waayay ayaa ah In Magaalada Oog ilaa Tukaraq waxaa jooga 12 kun oo askari oo Milatary ah waa 80% Ciidankii Qaranka Jamhuuriyada somaliland , Hada Ogow ciidankii Police ka iyo Sirdoon ka kuma jiro tiradaasi.

Jawaabteyda Iisoo Baxday ee Aaragtidayda ah Ayaa Waxay Noqotay in Dawlada Somaliland Ahmiyada ugu wayn ee ay ujoogtaa Gobolka Sool Ay Tahay in Puntland Lagaa ilaaliyo Xadka Somaliland oo Qudha ,

Laakin Aanay Dawlada Somaliland muhiimad wayn uahayn In Gobolka Gudihiisa Iyo Gaar ahaan Magaalada laasacanod aanay si dhab ah Amnigeed iyo Nabad galyadeeda in Si buuxda gacanta loogu dhigo aan Daacad Laga ahayn.

Caqliga iyo Damiirka Caadiga ah Waa waxaanu Qaadan karin in Meel 12 kun oo askari joogaan Maalin walba Dad Haldoor ah lagu laayo . Cidii Wax dishana aan lasoo qaban sharcigana lagu ciqaabin.

Loading...
Loading...