Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Kulamo Uu La Qaatay Wakiilo Ka Socda Wadamada Somaliland Xidhiidhka la Leh

0
Monday September 13, 2021 - 10:37:56 in News by
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Kulamo Uu La Qaatay Wakiilo Ka Socda Wadamada Somaliland Xidhiidhka la Leh

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Kulamo Uu La Qaatay Wakiilo Ka Socda Wadamada Somaliland Xidhiidhka la Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Kulamo Uu La Qaatay Wakiilo Ka Socda Wadamada Somaliland Xidhiidhka la Leh

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa ka hadlay kulamo uu todobaadadii ugu danbeeyey la yeeshay wakiilo kala duwan oo ka socday wadamada somaliland xidhiidhka la leh.


gudoomiye Khaliif oo ka hadlaya  kulamada ugu danbeeyey ee u qabsoomay ayaa waxa uu yidhi :-

Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay, waxa aannu kullamo isdaba joog ah la qaadannaynay wufuud ka kala socota Beesha Caalamka iyo Hay’ado kala duwan kuwaas oo aan dhammaantood kala hadlaynay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyntii & iskaashigii Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeyey.

Waxa aannu la kulannay, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Hargeysa, Ergeyga Dawladda Norway, Wakiilka Dawladda Taiwan ee JSL, Wakiilka Dawladda Imaaraatka ee JSL, Madax ka socota Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI, Madaxda ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa.

Waxa aanu rejaynaynaa dhawaan in aannu soo celinno xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Golaha Wakiilada & dhammaan daneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Baarlamaannada caalamka.

 
 

Loading...
Loading...