Dood Sharci Oo Ka Dhalatay Xil Uu Muuse Biixi Magacaabay

0
Monday September 13, 2021 - 09:31:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood Sharci Oo Ka Dhalatay Xil Uu Muuse Biixi Magacaabay

    Waa Kuma Xubinta Kaydka ahayd ee buuxin lahayd Booska Uu Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Xubinta Kaydka ahayd ee buuxin lahayd Booska Uu Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex?

Saacadihii la soo dhaafay waxa ay dood sharci ka taagnayd Magacaabista Madaxweyne Biixi ee Jaamac Xaaji Axmed oo lagu daray, buuxiyeyna Boos ka bannaanaa Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland.



Dad sharci yaqaanno ah, ayaa ku tilmaamay magacaabista Jaamac Xaaji Axmed oo ahaa  Badhasaabkii Gobolka Hargeysa ee xubinimada Komishanka xuquuqul Iisaanka mid sharciga baal marsan, kana soo horjeeda xeerka Komishankaasi ku aasaasan yahay ee 39/2010-kii, iyaga oo ku dooday in xubinta Komishanka ka bannaata laga soo buuxiyo xubnaha kaydka ah oo uu liiskooda hayo Madaxweynuhu, madaama oo guddidan oo 7 xubnood ah, marka  madaxweynaha loo gudbinayo loo gudbiyo liis ay ku qoran yihiin 14 xubnood oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay, isla markaana madaxweynuhu ka xusho 7 ka mid ah, halka todobada kale ay noqdaan xubno Kayd ah oo buuxiyey Boosaska bannaanaada.


Haddaba, waa kuma xubinta Buuxin karta Xubintan ka bannaanaatay Komishanka Xuquuqul Iisaanka qaranka.

Mujaahid Abdi Osman Abdile ( Abdi Farjar), oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Golihii Wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday 2005-tii, ayaa ka mid ah xubnaha Kaydka ah ee buuxin karaya Booskan, madaama oo ay isku deegaan ka soo jeedaa xubinta banaysay Jagadaasi oo ah imika Wasiirka Caddaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xaq u leh in isaga oo aan eegin deegaamo, in xubnaha Kaydka ah uu ku soo buuxiyo Xubinta ka bannaanaata Komishanka xuquuqul Iisaanka qaranka.


Wargeyska Saxansaxo

Loading...
Loading...