Iiraan waxay u oggolaan doontaa IAEA inay adeegsato qalabka kaamirooyinka ee xarumaha nukliyeerka ku xidhan

0
Monday September 13, 2021 - 08:31:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan waxay u oggolaan doontaa IAEA inay adeegsato qalabka kaamirooyinka ee xarumaha nukliyeerka ku xidhan

    waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in Grossi uu qorsheeyay booqasho kale oo uu ku tago Tehran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in Grossi uu qorsheeyay booqasho kale oo uu ku tago Tehran



Iiraan iyo wakaaladda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay Axaddii in ay oggolaadeen in kormeerayaashu u adeegsadaan qalabka wax lagu kormeero hay’adda.

 

Madaxa Wakaaladda Tamarta Atomikada Caalamiga ah Rafael Grossi ayaa Sabtidii u safray Iran si uu wadahadallo ula yeesho, maalmo kadib markii IAEA ay Tehran ku dhaliishay wada shaqeyn la’aan.

 

Wuxuu la kulmay madaxa Ururka Tamarta Atomic ee Iran, Mohammad Eslami, Axaddii.

 

Labada dhinac ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo qeexaya habka adeegidda, iyagoo sheegaya "kormeerayaasha IAEA waxaa loo oggol yahay inay adeegsadaan qalabka wax lagu ogaado ayna beddelaan xoagaha warbaahineed ee hore ugu kaydsanaa ayna si wada jir ah xogaha u hayaan IAEA iyo AEOI iyadoo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyana qayb ka tahay.”

waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in Grossi uu qorsheeyay booqasho kale oo uu ku tago Tehran "mustaqbalka dhow.”

 

Booqashada Grossi ayaa timid kadib markii wadahadaladii u dhexeeyay quwadaha waawayn ee dunida si loo badbaadiyo heshiiska nukliyeerka Iiraan uu noqday mid aan la isku afgaran.

 

Heshiiskii 2015 wuxuu Tehran u ballanqaaday in laga qafiifin doono cunaqabataynta si loo xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

 

Laakiin heshiiska taariikhi ah waxaa dab qabadsiiyay sanadkii 2018 go’aankii madaxweynaha Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ee ahaa in Washington ka baxdo heshiiska oo lagu soo rogo xukun ciqaab ah iran.

 

Iran ayaa tan iyo markaas ka baxday ballanqaadyo badan, laakiin maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku taliyay in dib loogu noqdo diblomaasiyadda si loo badbaadiyo heshiiska.

 

Qodobka muranku ka taaganyahay sannadkan ayaa ah xaddidaad Iiraan ku soo rogtay awoodda IAEA ee ah inay la socoto qeybaheeda kala duwan ee nukliyeerka.

 

Iiraan waxay diiday inay bixiso muuqaallo dhab ah oo laga duubay kaamirooyinka iyo aaladaha kale ee ilaalada ee ay hay’adda Qaramada Midoobay ku rakibtay goobaha la baadho.


Loading...
Loading...