Kharashka Dhiig baxa ah Ee Qallinjebinta Jaamacaddaha Hargaysa.

0
Sunday September 12, 2021 - 12:55:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kharashka Dhiig baxa ah Ee Qallinjebinta Jaamacaddaha Hargaysa.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ka hor inta aynaan u gelin kharashaadka ku baxa xafladdaha qallinjebinta, waxa ay dul-istaagi doonaa Daraasad uu sameeyay mac-hadka cilmi baadhista Heritage ee Muqdisho ku yaala sanadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu waraystay 44 jaamacadood oo ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Kismaayo.Tirada ardayda ee jaamacadahaas dhigtay xilligaas waxa ay ahaayeen 51,471 arday sida daraasadda lagu sheegay. Waxaana dhigaysay macalimiin dhan 2501 oo ka dhigan in 21 arday oo kasta uu ku soo beegmo hal macalin.



Jaamacadihii daraasadda lagu sameeyay 68% waxa ay bixinayeen maaddooyinka kombuyuutar (computer)-ka la xidhiidha, balse waxaa la yaab lahayd  in 15% ka mid ah guud ahaan ardayda dhigata jaamacadaha ku yaal koonfurta-bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland ay ka diiwaan gashan yihiin kulliyadaha la xidhiidha computer-ka. Daraasadda waxaa kale oo lagu ogaaday in baaxadda cilmi baadhiseed iyo bandhig qoraallada jaamacadaha dalka oo idil ayaa aad u hooseeya. 15 ka mid ah 44-ta jaamacadood ee la daraaseeyay ayaa sheegatay in ugu yaraan ay ka qayb qaataan hal bandhig qoraaleed (academic publication).

 

Kharashka ku Baxa xafladaha Qallinjebinta.

Inta badan wakhtiyadan oo kale waxa guud ahaan Soomaalilaan ka dhaca xafladaha ay dhigayaan jaamacaddaha dalka gudihiisu. Kuwaasi oo ay ku qallinjebinayaan ardaydii muddooyinkii ugu dambeeyey soo waday waxbarashadda Jaamacadda. Waxa aynu qormadan ku soo bandhigi doonaa dhammaan kharashaadka ku baxa ardayda jaamacaddaha wakhtiyadan qallinjebinta ee dhiig baxa ku waalidiinta hayntoodu yartay ama aan waxba haynin. Waxa aynu u kala saari doonaa inamada iyo hablaha kharashka ku baxa iyo weliba kan ay jaamacaddu qaadato: Jaamacadduhu inta badan waxa u go’an inay arday kasta ka qaadaan $100.

 

= Kharashka ku baxa inamada: suudhka uu xafladda qallinjebinta u xidhinayo $75, wiilka Kamarada sawirada ka qaadaya oo maalintaasi oo dhan la soconaya $50, kirada baabuurka xafladda geynaya $ 50, sharraxaada baabuurka $25. Haddii wiilka qoyskiisu casuumad u sameeyaan waxa ku baxaya $70. Markaa isku geynta kharaska wiilk ku baxayaan wuxuu dhan yahay $370.

 

= Kharashka ku baxa hablaha: dharka xafladda qallinjebinta $200, lacagta koofeerka ku baxaysa $ 50, wiilka Karamada $50,kirada baabuurka iyo sharraxaadda $75. Inta badan hablaha waxa xafladdo loogu qabtaa guryaha ama hudheellada. Xafladda guriga waxa ku baxa $25 keeg ah iyo $50 sharaab ah. Xafladda hudheellada waxa ku baxa $ 30 keeg ah iyo tirada dadka ka soo qaybgalaya oo mid $5loogu dhufto. Tusaale ahaan haddii 60 qof la casuumo waa 5x60= $300. Markaa isku geynta kharaska ku baxaya hablaha waa $450. Haddii ay inantu xafladda ku qabsato hudheel wuxuu kharashku noqonayaa $675.Xogtan ururinteeda waxa ka qaybqaatay Garyaqaan C/casiis Axmed Yoonis.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...