Qaab Dhismeedka Ay Yeelan Doonaan Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Oo Dhawaan La Shaacin Doono

0
Sunday September 12, 2021 - 12:48:53 in News by
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaab Dhismeedka Ay Yeelan Doonaan Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Oo Dhawaan La Shaacin Doono

    Qaab Dhismeedka Ay Yeelan Doonaan Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Oo Dhawaan La Shaacin Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaab Dhismeedka Ay Yeelan Doonaan Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Oo Dhawaan La Shaacin Doono

Magacyada iyo xubnaha ay ka koobnaan doonaan Guddoomiyeyaasha Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Oo la filayo in la shaaciyo Isniinta.


May be an image of 3 people


Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa dhismaha guddi-hoosaadyada Golahaasi, ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan Liisaska iyo xubnaha guddi walba ku jiri doonta illaa berri Isniinta.

Guddiyadan oo shaqooyin muhiim ah mid walba qaban doono, isla markaana Mudaneyaasha loo qaybin doono, guddiyada ay ku haboon yihiin, iyada oo aqoontooda la eegayo, ayaa lagu wada in ay noqdaan guddiyo gaadhaya 10 illaa11 guddi.

Guddidan oo dhismahooda dooddo adag hadheeyeen muddadii lagu gudo jiray xulista iyo aasaaskooda, taas oo salka ku haysay qaab deegaameed, mid Xisbiyo, mid kale isbahaysi, madaama oo Xildhibaanno badan loo sii balan qaaday wakhtigii Ololaha shir-guddoonka in guddiyo madax looga dhigi doono.

Xogo uu ka helay Wargeyska Saxansaxo guddiyadan, ayaa loo badinayaa in ay noqon karaan sidan hoos ku qoran.

 Guddi hoosaadka Arrimaha Dibedda, ayaa loo badinayaa inuu Madax ka noqdo, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur, UCID uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex

 Guddi hoosaadka dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse (Cago weyne), oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil

Guddida joogtada ah, ayaa lagu wada in Guddoomiye ka noqdo Nuur Guuleed oo ka soo baxay UCID, lagana soo doorto Gobolka Awdal, gaar ahaan Saylac.

Guddida Daba galka hantida qaranka, ayaa loo badinayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Garqayaan Mustafe xmed Cabdillaahi, waxaanu ka soo baxay Kulmiye Sool, gaar ahaan degmada Caynaba.

Guddida Arrimaha Guddaha iyo Amniga, ayaa laga yaabaa in loo dhiibo xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi Jeex.

Guddida Hawlaha Guud, ayaa filayaa in madax looga dhigo Xirsi Cabdillaahi Xirsi, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil.

Guddida Khayraadka iyo Macdanta, ayaa la filayaa in uu guddoomiye Mubaarik Muuse Ismaaciil, oo Waddani uga soo baxay Sanaag.

Guddi hoosaadka Shuruucda, caddaaladda iyo xuquuqul Iisaanka, ayaa in madax ka noqdo Xildhibaan Yaxye Aaraarse, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi-jeex.
Guddida arrimaha Bulshada, ayaa la filayaa in loo magacaabo Maxamed Maydhane, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Awdal.

Guddiyo kale ayaa iyaguna jira oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn cidda madax ka noqon doonta, iyada oo sidoo kalena, guddida aan sheegnay qaarkood wax laga beddeli karo ka hor inta aan la shaacin.

Loading...
Loading...