ABOORKA W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Sunday September 12, 2021 - 11:19:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ABOORKA W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

    "Aboorku waxa uu kamid yahay cayayaannada uu alle qur'aanka ku xusay."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aboorku waxa uu kamid yahay cayayaannada uu alle qur'aanka ku xusay."

Aboorku waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Arthropoda), gaar ahaan bahweynta cayayaanka (Insect family), kuwaas oo leh lix lugood , iyo afar baal oo ay lababa dhan isu raacsan yihiin, sidoo kale waxa uu ku jiraa cayayaannada laga helo deegaanada cimiladoodu diirran tahay. Afka cilmiga sayniska waxaa loogu yeedhaa (Isoptora), Asal ahaan waxaa la aaminsan yahay inuu kasoo jeeddo koonfurta aasiya ama koonfur bari qaaradda Aasiya. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Termites), Carabadina (أرَضَة). Afka Soomaaligana waxaa looyiqaanna Aboor . Noocyada aboorka adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 2,800 oo kun oo nooc.



Aboor kasta oo meel degen waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo kala ah: Boqorad dhasha beedka kaas oo ku dilaaca hal ilaa laba todobaad, taas oo ah ta ugu weyn koox kasta oo meel degen. Boqor, Shaqaalle, Askar leh miciyo ay wax ku qaniinaan oo aanay kuwa kale lahayn iyo sahamiyeyaal leh baalaal ay ku duullaan, kuwaas oo ah kuwa keliya ee aboorka baalalka leh. Aboorku sida cayayaannada kale waxa uu maraa saddex meerto nololeed kuwaas oo kala ah: Ugxan, Caydi iyo Qaangaadhnimo. Jidhkiisu waxa uu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah: Madax, Calool iyo qaar danbe. Aboorku waxa uu leeyahay 6 hiddo-side, waxaana uu ku jiraa xayayaannada leh dhiigga diirran. Midabada aboorku waa afar midab oo kala duwan, casaan, cadaan, madaw iyo bunni , sidoo kale aboorku waxa uu u nool yahay beel beel, oo qayb kasta oo meel degeni waxay leedahay boqorad ugaar ah.


Aboorku waxa uu kamid yahay cayayaannada uu alle qur'aanka ku xusay. Luuqadda ingiriisida magaca aboorka waxa uu kasoo jeedaa eray giriig ah, kaas oo uu macnihiisu yahay (Qudhaanjada cad) , halka soomaalidu magaca aboor u taqaano noole wax cunnid badan ama markasta wax uun cuna. Waxa jira aragti ay dad badan aaminsan yihiin oo ah in dadku markay dhintaan uu aboorku cuno balse arrinkaas way beeniyeen saynis yahannada bartay cilmiga cayayaanku, kamana mid ah aboorku sida qudhaanjada cayayaannada quuta bakhtiga (non scavengers insects), balse keliyaata isagu waxa uu quutaa waxyaabaha asal ahaan ka yimi dhirta sida looxaanta ama dhirta kale ee qalashay ama se qoyan. Ugu danbayntii aboorka waxaa uu wax dhisaa ama shaqeeyaa habeenkii iyo maalintiiba mana aha cayayaan nasta inta la daraaseeyay.


[email protected]

Mayeedhaan Magazine.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...