Shuruudaha Lagu Xidhayo Musharixiinta U Tartamaya Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Qaarkood La Ogaaday

0
Sunday September 12, 2021 - 09:51:25 in News by
  • Visits: 2281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shuruudaha Lagu Xidhayo Musharixiinta U Tartamaya Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Qaarkood La Ogaaday

    Shuruudaha Lagu Xidhayo Musharixiinta U Tartamaya Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Qaarkood La Ogaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shuruudaha Lagu Xidhayo Musharixiinta U Tartamaya Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Qaarkood La Ogaaday

Lacagta shuruud ah ee lagu xidhayo Murrashaxa Guddoomiyaha Waddani iyo Qaab-dhismeedka Hoggaanka Xisbiga oo wax la beddelayo.


Guddida fulinta ee Xisbiga Waddani, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen arrimo khuseeya shirweynaha Xisbiga ee bisha dambe.

Shirkan oo ay ka qayb galeen xubnaha Guddida fulinta ee Xisbiga Waddani, ayaa waxyaabaha lagaga hadlay waxa ka mid ahaa ajandaha lagaga hadli doono iyo go'aamada ka soo bixi doona shirweynaha Xisbigaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray weli kulankan iyo qodobadii lagaga hadlay, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen warar xogogaal ahi, waxa shirkan lagaga hadlay qodobadan;

In Murrashax Guddoomiyaha Waddani uu bixiyo 25 kun oo dollar

 In murrashaxiinta Xoghayaha iyo kuxigeennada Guddoomiyuhu bixiyaa 10 kun oo dollar

In Ergada shirweynaha imanayaa ay noqdaan ku dhawaad 900 oo ergay oo ka kala imanaya gobollada, degmooyinka iyo qurbahaba.

 In Shirweynuhu ka qabsoomo Hargeysa, gaar ahaan Maansoor Huteel.

In Xisbigu yeesho Guddoomiye iyo shan Guddoomiye kuxigeen, Xoghayaha Guud iyo kuxigeen, kuwaas oo lagu dooran doono shirweynaha Xisbiga.

May be an image of 1 person, sitting and indoor

Loading...
Loading...