Guddoomiyihii Gobolka Sool Ee Xisbiga WADDANI Oo Dablay Hubaysani Xalay Dishay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay

0
Sunday September 12, 2021 - 09:45:27 in News by
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Gobolka Sool Ee Xisbiga WADDANI Oo Dablay Hubaysani Xalay Dishay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay

    Guddoomiyihii Gobolka Sool Ee Xisbiga WADDANI Oo Dablay Hubaysani Xalay Dishay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Gobolka Sool Ee Xisbiga WADDANI Oo Dablay Hubaysani Xalay Dishay Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay

Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sool Xildhibaan C/risaaq Axmed Cilmi Gardoofe Oo ayaa xalay fiidkii ay deblay hubaysani ku dishay gurigiisa hortiisa,kuwaas oo la sheegay in aan gacanta lagu soo dhigeen,isla markaana aan haybtooda la aqoonsan,mana jiro wax war ah oo laamaha amaanka Gobolka Sool ay ka soo saareen dilkaa loo geystay masuulkaas.
May be an image of 2 people and text that says 'C/RISAAQ AXMED CILMI 'CARDOOFE' XILDHIBAAN GOLAHA DEEGAANKA D/LASANOD VYES YES! HALBEEG MEDIA'



 
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dilkaas loo geystay Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sool Xildhibaan C/risaaq Gardoofe,waxaanu Tacsi uu u diray qoyskii qaraabadii iyo eheladii Marxuumka, isagoo ugu baaqay Xukuumadda in Caddaalada la hor keeno dabyladii dishay arxuumkaas"INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta, waayeelka, waxgaradka Gobolka SOOL iyo Xisbiga WADDANI-ba geerida naxdinta ee caawa ku timid Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi [Cardoofe] oo gacan ka xaqdarani ku dishay Magaalada Laasacaanood."

"Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan."

Sheikh Abyan oo kamid Culimada Gobolka Sool oo isna dilkaas ka hadlay ayaa yidhi; "Mar-Mar bay Ilaahay ha u naxariisto ay danbi noqon kartaa.! Waa marka aad dulmiga oo aad wax ka qaban karto inta aad indhaha ka laabato oo sidii qof xanuun u dhintay aad ku sagootido "ilaahay ha u naxariisto.”

Loading...
Loading...