Mudane Golaha Wakiilladda Ka Tirsan Oo Soo Jeediyay In La Abuuro Maxkamad Ay Leeyihiin Shaqaaluhu

0
Sunday September 12, 2021 - 08:52:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Golaha Wakiilladda Ka Tirsan Oo Soo Jeediyay In La Abuuro Maxkamad Ay Leeyihiin Shaqaaluhu

    "Waxaan soo jeedinlaha in la abuuro maxkamad ay leedahay shaqadu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan soo jeedinlaha in la abuuro maxkamad ay leedahay shaqadu"

Hargeysa (HWN) Xildhibaan Cabdikariin Aadan Cali Dubad, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa mar uu ka hadlayay SHALAY maanta ee xeerka shaqaalaha dawladda waxaa uu soo jeediyay in la abuuro maxkamadd ay leeyihiin shaqaaluhu, taas oo uu tilmaamay in ay tahay mid loo gudbinayo cabashooyinka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha.

 

Xildhibaan Cabdikariin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray in maxkamaddaasi Meesha ka saarayso habka iyo hannaanka qofka loo shaqeeyo u anshaxmarinayo qofka shaqaalaha ah.



Xildhibaan Cabdikariin soo jeedintiisa la xidhiidha sidii loo sameyn lahaa maxkamad ay leeyihiin shaqaaluhu waxaa au u dhacday sidan."Waxaan soo jeedinlaha in la abuuro maxkamad ay leedahay shaqadu, taas oo loo soo gudbiyo cabashooyinka ka yimaada shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha, soo dhaafta nidaamka ay ku anshax marinayaan loo shaqeeyaashu shaqaalahooda.

 

Loona soo gudbiyo maxkamaddaasi, kaliya ay ku shaqo leedahay inay hawlahaasi qaado, ayna noqoto mid si toosa ula shaqeysa hay’adda shaqaalaha, arrimaha maxkamadda sare u gudbi karaana ay noqdaan arrimaha waa weyn, ee ay ka dhalan karaan ciqaabo sida xadgudub jinsi ah, gacan qaad, hanti la lunsado, sumcad dil, ama takoor iyo wax la mid ah”

Loading...
Loading...