Dhaqan Wanaagsan Laakiin Aan Dhammeystirneyn!

0
Saturday September 11, 2021 - 09:54:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqan Wanaagsan Laakiin Aan Dhammeystirneyn!

    Dhaqan wanaagsan oo diinteenuna ammaantey waaye inaad qofka ceebtiis ama waxyaabaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqan wanaagsan oo diinteenuna ammaantey waaye inaad qofka ceebtiis ama waxyaabaha


Soomaalidu waxay leedahey dhaqan wanaagsan oo ah in saaxiib iyo cadowba haddii dharkaaga ama jirkaaga ay ku arkaan wax aan ka mid aheyn oo dheeri ku ah, sida; qashin, bus ama boor, ama cunto kugu hartey, waxay isla markiiba ku degdegaan in ay kuu sheegaan ama gacantooda kaaga nadiifiyaan!
Marbaan xasuustey jirkeyga ay ku taaley kolon yar oo madow oo bar u eg, qeybta ay kolontu ku taaley oo muuqatey awgeed, waxaa ii sheegtey inaan iska nadiifiyo tiro dad ah iyaga oo u qaatey wax aan jirka ka mid aheyn oo meesha saaran.


Mida iigu daran waxay aheyd, dhowr qof oo aan iigu simin sheegid oo gacanta la galey kana laadlaadsadey kolontii, taas oo nafteyda halis gelisey, xanuun baddana igu dhalisey, waxaana markii danbe go’aansadey inaan si sharci ah isaga jaro si aysan nafteyda halis u gelin!

Dhaqan wanaagsan oo diinteenuna ammaantey waaye inaad qofka ceebtiis ama waxyaabaha jirkiisa ama dharkiisa saaran ee uu arki karin u sheegto, laakiin waxaa laga yaabaa dadka kolonteyda ka laadlaadsadey haddii ay i arkaan aniga oo dulmi sameynaya ama bini-aadam kale dulminaya in aysan iga qabaneyn, lagana yaabo in ay igu taageeraan.

Dhaqamada wanaagsan ee aan dhameystirneyn waxay aad ugu badan yihiin Soomaalida, taasi waxay keeni kartaa in ay nala dheeraadaan dhibaatooyinka ma heysta oo naga reebey dunida.

Saaxiibkaaga u sheeg waxyaabaha uu ku saxan yahey iyo waxyaabaha uu ku qaldan yahey, cadowgaaga u sheeg qaladkiisa waxaa laga yaabaa in uusan ogeyn taasina ay tahey mida keentey inaad is jiirtaan, waxaana suurta gal ah in ay maslaxadi ka timaado.

Nabigeena CS wuxuu asxaabtiisa u sheegi jirey una kala saari jirey qaladka iyo saxda, sidoo kale cadowgiisa wuxuu u sheegi jirey qaladkooda, wuxuuna u hormarin jirey naseexada iyo kala saaridda qaladka iyo saxda, taasina waa midda keentey in umado badan ay soo galaan diinta Islaamka.
"Dhamaystir dhaqanka wanaagsan”
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...