" Mooge Hadaad Wax Qabanweydo Kurta Uun Soo Dhigo"

0
Saturday September 11, 2021 - 09:52:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Mooge Hadaad Wax Qabanweydo Kurta Uun Soo Dhigo"

    W/Q: Maxamed Taajir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Taajir

Badhtamaha bishii labaad ee sandkii tegay 2020 Mudane Abdikarim Ahmed Mooge  adiga oo si diiran oo xamaasad leh uga qaybgalay dood tilifishanka Universal uu soo qaban qaabiyay oo lagaga hadlaayay Somaliland halkay 30 sano kadib u socoto waxaad si masiiriya u sheegtay in raga kuraasta fadhiyaa ay baneeyaan hadaad xilka timaadana aad wax qaban doonto ama kurta aad soo dhigan doonto, hadalkaas malaa waad ilowdee aan dib kuu xasuusiyo " Ka fadhiidka ah ee waxba qabankari waayay in uu cudurdaar ka dhigto dal yar ayaynu nahay, laynama aqoonsana oo curdinbaynu nahay hayskaga tagaan oo ha u baneeyaan kuwo intaas ( kurta ) dhigsnaaya haday wax qaban wayaan."



waad siiwadatay hadalkaaga " Ninka siyaasiga ah ee maanta Somaliland maamula waxaan ku  jaalaanji-garaynayaa iskaga banee anagaa hadaanu waxba qabanweyno intaas dhiganaynee ( kurta ) .


Hadalkani waa mid cad oo dhamaystiran wax weyna ka taray guusha aan hore Somaliland musharax u gaadhin kaligii ee 26 ka kun ee cod aad ku xaqiijisay, laakiin khudbadii u danbaysay ee aad ka jeedisay qalinjabinta ardayda jaamacadda Gollis 8/9/2021 waxaad ku sheegtay in aad xilka banayn-doonto hadii aad waxba qaban kariwaydo " hadii aanu aragno umadan balantii aan u qaadnay in aanan gaadhsiinayan oo umadda hadimo aanu ku nahay oo balantii aanu qaadnay aanan oofin karin waxay umaddani mudan tahay in si gobanimo leh asnu ugu soo celino xilkeeda"


Mudane maayar hadalkan danbe waa aftahanimo aad kaga galgalanayso hawsha culus ee ku hortaala se ha ilaawin in aad balanqaaday hadii kursiga aad maanta fadhido aad gaadho inaad kurta soo dhiganayso hadii aad horumarkeeni waydo.


hadalku haduu mid yahay laba lagama dhigo, 26 kun oo cod waxaad ku heshay horumar ama inaad kurta soo dhigato waddo kale oo kuu furan ma jirto ee hadaad fashilanto kurtaad noo soo dhiganaysaa.

M.Taajir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...