Farmaajo Xaqiiqadu Uma Muuqato

0
Saturday September 11, 2021 - 09:32:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Xaqiiqadu Uma Muuqato

    W/Q: Rashiid J. Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid J. Farah

Madaxweynihii ugu liitey ee taariikhda Somaliya ku gala bogaga aan la mahadin ee hogaaminta dawladii Somaliya ka dhashay xornimadii ka dib waxaa calanka u sidey Kelitaliyii geeriyoodey ee Maxamed Siyaad Bare wuxuu ku suntan yahay taariikhda afgambiyada ee Somaliya waayo:

 

a- Waxaa afgambi ka dhaca ciida Somaliya oo guuleysta kii ugu horeyey mudo 20 sano ahna xukun cadaadis,xasuuq,musuq maasuuq, qabyaalada iyo cadaalad daro ku xukumayey Somaliya.

 

Wuxuu ahaa hogaamiye bog madaw ka galay taariikhda Somalida xorta ah laga soo bilaabo 1969 kii ilaa 1991 waxaa uu dhisay dhaqan aan kore uga jirin bulshada Somaliyeed.

 

Wuxuu ahaa hogaamiye arxan laawe ah wuxuuna kala qaybiyey bulshadii Somaliyeed ee midka ahayd waxaa aan taariikhda cidi la wadaageynin:

 

i) Xasuuq aan naxaris lahayn oo ay ku dhintaan dad aan kala Sooc lahay laga soo bilaabo Puntland, Jamhuuriyada Somaliland, Galmudug, laguna dhameeyey Xeebta Jasiira iyo Gobolada Banaadir, Shabeelooyinka.

 

ii) Waa hogaamiyihii ugu horeyey ee taariikhda Somalida amray in diyaarad ka kacdo Airport ka Magaalo (Hargeysa Airport) oo ay duqeyso isla magaaladii ay ka kacdey iyada oo xasuuqeysa dadkii ku noolaa magaaladaasi oo aan kala soc lahayn.

 

iii) Waa madaxweyne Somaliya soo marey taariikhda oo mudo ka badan 8 sano arkayey in dadkiisii naceyn,talo iyo tusaalena lagala quustey oo weli aan mahmin miisha uu ku dambeyn doono kana faa’iideysan taariikhda waayaha ku xeeran balse dhago iyo indho la’aan ku maamulayey dal uu mar hore jar ka tuurey.

 

Hadaba Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo isagu ka daruuf duwanaa Maxamed Siyaad Bare hana wuxuu aragti ahaan iyo fahan ahaanba ka hoos maray adeerkii maxamed Siyaad waayo?

 

Farmaajo Somaliya Xoog kuma qabsan balse wuxuu ku yimi doorayo tii ugu musuqa badneyd uguna qaalisaney ee caalamka casriga ee maanta taas oo uu ku yimi codod looga iibiyey xildhibaanadii u codeyey

 

FarmaaJo 4 Sano oo keliya ayaa loo doortey in uu Somaliya hogaamiyo ka dibna uu doorasho gaadhsiiyo taas oo ah wakhti kooban oo aan surtagal ahayd in uu xoog iyo afgambi toona uu ku guuleysto in uu kursiga ku haysto.

 

Farmaajo wakhtii Adeerkii Saaciday oo ahaa 1969 kii iyo maanta oo la joogo 2021 farqi iyo waayo badan baa u dhaxeeya oo marna aan lagu shaqayn karin aragtidii maalintaasi

 

Farmaajo waxaa uu ina yidhi waxa baan bartey oo heerka labaad ee aqoonta Jaamicadeed baan haystaa mudo na waxaan ku soo shaqeeyey Diplomatic taasina waxay ahayd in uu fahmo waayaha iyo kala duwaanshaha duruufaha balse waxaa uu marey jidkii adeerkii ee 1980 kii iyo waxii ka dambeyey sidaa darteed farmaajo waxaa la filayaa in taariikhdiisu ku soo gabagabowda taariikh modow oo mar kale Somalida hogaaminteeda lagu xuso isaga oo cidhiidhsan doona hogaamiyihii 2aad ee bulshada Somaliyeed ka gala godob iyo taariikh modow.

Source : hogaanka.org

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...