Guinea Conakry Waddan La Nool Afganbiga "A coup d'état"

0
Saturday September 11, 2021 - 09:27:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guinea Conakry Waddan La Nool Afganbiga "A coup d'état"

    W/Q Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Rashiid Odowaa

Guniea Conakry waxay ku taallaa galbeedka Afrika  dhinaca Koonfur waxa ka xiga Liberia iyo Sierra leone woqooyi Senegaal iyo Gini Bissaw dhanka Bari Mali iyo Avory Coast.baaxadda Dhulku waa  245.857kmSq siyaasada dalku waa nooca loo yaqaan Indirect Demacracy lakin maaha sida ay u sheegtaan ee sawirka dhabta ahi waa "Militari Junta” xukun Militray awooduna waa mid Urursan hadba Madaxweynaha talada  haya.tirada dadku waa 13,026,502 ilaa 24 qowmiyadood ayaa deggan dalka waxa ka mid ah FULA 43%. mandinka 35%. Susu 20% .inta soo hadhay waa qowmiyado kale.xidhiidh diplomasi waxay la leedahay Ivory Coast.Senegal.Germany iyo France.Xagga diimaha Muslim waxa ah 85%.waxa ah Kiristan 8% waxa diimo kala duwan haysta 7%.

 

Guniea Conakry waxa la raaciyaa Magaca Caasimadda Conakry si ay uga soocanto wadamada magaca la wadaaga Sida Guinea Bisaw,Eqoatorial Guinea iyo New papua Guinea,Sannadkii 1949kii ayay Gacanta U gashay Dowladda Fransiiska,halgan dheer ka dib oo uu hogaaminayay Halyaygii Axmed Sekatuuri waxay xornimada ka qaadatay Faransiiska sannadkii 1948kii isaga ayaana Xukunka qabtay 2/10/1948 waxa uu hayay xukunka tan iyo 1984kii markaas uu ku geeriyooday waddanka Maraykanka qaliin lagu sameeyay oo aan guul laga gaadhin darteed.

Ka dib waxa xilkii la wareegay 26kii march  Ra’iisal wasaarihii "Loi Lansana Biovogi” si ku meel gaadh oo gaadhaysa  8 cisho hase yeeshee 3.april 1984kii ayaa  waxa afganbi Militry ku qabsaday waddanka "Lansana Conte”ka mdi ahaa sarakiishii ciidanka sida madax badan oo African ah samayso markiiba waxa ku dhawaaqay Gole Military (golaha Badbaadinta qaranka) oo talada dalka hogaamisa waxa uuna kala diray Baarlamaankii Dalka waxa kaluu uu laalay dastuurkii dalka.

1985kii ayuu raiisal wasaare "Diara Traore” oo ahaa Saxiibkii Madaxweyne Conte ayaa isku dayay inqilaab military inuu dalka ku qabsado.mar uu Conte tagay Caasimada waddanka Togo ee Blome halkaas uu uga socday waddamada dhqaalaha ku bahoobay ee galbeedka Afrika "ECOWAS” hase ahaatee wuu fashilmay waxa ka hortay ciidankii daacadda u ahaa Conte oo Diarra Traore iyo 100 ka mid ah raggi inqilaabka kula jiray dhaamntood waa la laayay.hase ahaatee sanadkii dec/23/2008 ayuu geeriyooday Conte Xanuun uu muddo la tacaalayay. Isla markii Geerida Conte la xaqiijiyay saacado yar ka dib ayuu Captain Ciidanka ka tirsanaa oo lagu magacaabo "Moussa Dadis Camara” ayaa Idaacadda Caasimadda Conakry kaga dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha dalka waxana raaciyay inuu kala diray Xukuumaddii  waxa kaloo sheegay inuu gabi ahaan laalay dastuurkii waddanka waxa kaluu mamnuucay dhaq dhaqaaq siyaasadeed  dhamaan.wuxu sameeyay Gole lagu magacaabo "Golaha Qaranka ee Horumarinta iyo Dimoqradiyadda”wuxu dadka u sheegay in aanay militarigu rabin inay xukunka haystaan ee ay gaadhsiin doonaan doorashooyin xalaal lana qaban doono sanadka 2010ka dabayaaqadiisa.hase ahaatee dadka umay cuntamin sanadkii 2009 ayaa mudaharaad isugu soo baxeen dadweynnaha oo ka dhacay Caasimadda Conakry waxa lagu dilay 150 qof waxa kaloo la gaytstay Gabood fallo badan.

Dalka Guniea conakry ayaa ku sigtay in dagaal sokeeye oo lagu hoobto ka dhaco dhacdadaas dadka lagu laayay darteed.waxa todobad ka dib isku dayay inuu toogto mid ka mid ah taliyaasha Ciidanka Mr Camara hase yeeshee inkasta oo dhaawac soo gaadhay M/weyne Camara haddana  wuu fashilmay  isku daygaasi.hase yeeshee sanadkii 2009 Skoba Konate oo ay taageerayeen dalalka reer Galbeedku ayaa taladii dalka Guinea Conakry la wareegay  wuxu  ballan ku qaaday inuu awoodda shacabka ku soo Celin doono wuuna ka dhabeeyay sanadkii 2010 ayuu Madaxweyne Alpha Conde uu xukunka ku guulaystay hab doorasho xisbiyo badan ah.

Hase ahaatee sidii caadiga ahayd ayay militriga dalku isku dayeen in la khaarajiyo Alpha Conde wuuna ka badbaaday,waxay ciidanku soo xidh xidheen ciidan faro badan iyo Taliyaal ku lug lahaa isku daygaas oo u badan ciidankii daacada u ahaa m/weynihii hore general Skoba konateiyo madaxii hore ee Golaha Militariga Mousa Camara.

September 6/2021 oo ahayd habeen hore ayay Ciidamada gaarka ah ee dalkaasi xidheen M/weynihii Alpha Conde sarkaalka Hogaaminaya Ciidanka Xidhay M/weynha "Mamady Domboya” ayaa ku dhawaaqay Sidan "waxanu go’aan sannay inaanu kala dirno Dowladda dastuurkana waanu laallay waxanu xidhany xuduudaha bad,berry iyo cirba”  waxay ku baahiyeen baraha bulshada  Vedio muujinaya Alpha Conde oo xidhan oo xidhan Surwaal Jiinis iyo shaadh oo kursi ku fadhiya kaas oo diiday inuu wax jawaab ah bixiyo arrintaas waxa ka soo hor jeestay Waddanka Faransiiska oo ka biyo diiday iyo waddamo kaleba.

Xidhiidhka Somaliland iyo Guniea Conakry

Sannadkii ina dhaafay waxa xidhiidh u bilaabmay M/weynaha hadda talada lagala wareegay ee dalka Gini iyo Somaliland xidhiidhkan waxa aad uga cadhooday Somalia waxayna kaga fal celisay inay xidhiidh aan kolka horeba ka dhaxayn u jarto waddanka Gini ka dib markii uu booqasho ku tagay M/weyne muuse Muuse Biixi Cabdi sidaa waxa ku dhawaaqay wasiirkii Hore Arrimah Dibadda ee Somalia arrintaas oo ay ku tilmaameen Madaxda Gini ayaan waxba ka soo qaadin suaal ayaa is waydiin leh siduu noqon doonaa xidhiidhka Gini iyo Somaliland Alpha Conde dabadii.

 

ARAGTIDA CAALAMKA

Warbixinno badan ayaa jira oo ay soo saareen "World Report” taas oo ay ku sheegeen inay jiraan gabood fallo badan oo ka dhan ah aadminimda waxay kaloo sheegeen warbintaasi inay jiraan dad badan oo siyaabo kala duwan loo dilo wadanka Gini Conakry si kastaba ha noqotoo waddankan wuxuu wheel u noqday afganbi military oo madaxweyne kastaaba ka hore inqilaab kaga tuuro isla markaas m/weyne kastaa waxa uu ku dhawaaqaa inuu Dastuurka laalay sidoo kale uu kala diray dowladda markaas jirta. Isku wada duub waxan odhan karnaa Guniea Conakry Sida waddamo badan oo African ah waxay la nooshahay Afganbi.

 

 

 

Rashiid Odowaa

M.A Diplomacy and International Relation

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...