Madaxweyne Farmaajo Miyuu Ogolaaday In Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa Kenya Laga Soo Saaro Maxkamada ICJ?
Nairobi(HWN):-Madaxweynaha dawlada Federaalka ah ee
soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ogolaaday in
dacwada Badda ee ay Soomaaliya gaysay maxkamada caalamiga ah ee ICJ uu
ogolaaday in dib looga soo saaro.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka soomaaliya ayaa war uu ka soo saaray kulankii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhurru Kenyatta layskula gartay in maxkamada ICJ laga soo saaro dacwada Bada ee ay soomaaliya gaysay, taas oo madaxweyne Farmaajana uu ogolaaday.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa warka uu soo saaray waxa kale oo uu ku sheegay in telefishanka Itoobiya laga baahiyey in raysal wasaare Dr. Abiy ku guulaystay in hogaamiyeyaasha Soomaaliya Iyo Kenya uu ku qanciyey inay wada hadal ku dhamaystaan dacwadooda.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa warkiisa ku yidhi sidan:-
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa ku guulaystay in uu ku qanciyo Madaxweyne Farmaajo in uu ogolaado in khilaafka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo wadahadal sida uu baahiyay Teleefishinka Qaranka Itoobiya oo la socday safarka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay magaalada Niarobi ee dalka Kenya!
Halka Villa Soomaaliya wali ay ku maaweelinayso dadka Soomaaliyeed in kulankii Nairobi looga hadlay oo kaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labadadowladood iyo ka wada shaqaynta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.
Warar sugan oo aan ka helay ilo ka agdhow xaafiiska Madaxweyne Farmaajo waxay ii xaqiijiyeen in ajandaha kulanka labada Madaxweyne uu ahaa arinta muranka Badda iyo dacwada hortaala Maxkamada Caalamiga ah (ICJ) lkn waxay ka gaabsadeen in ay sheegaan go’aamada ay ka gaareen arintaan labada Madaxweyne!
Haddaba, halkaan waxaa ka muuqata in Baddii Soomaaliya la beec geeyay Madaxweyne Farmaajo na ka tanaasulay dacwadii Maxkamada Caalamiga ah hortaalay, Baddii Soomaaliyana u dhiibay sidii shalay uu u dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax!