Wasiirada Uu Magacaabay Muuse Biixi Oo La Sheegay In Ayna Shaqo Bilaabi Karin Ilaa Ay Ogolaansho Ka Helaan Golaha Wakiilada

0
Friday September 10, 2021 - 17:46:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Uu Magacaabay Muuse Biixi Oo La Sheegay In Ayna Shaqo Bilaabi Karin Ilaa Ay Ogolaansho Ka Helaan Golaha Wakiilada

    Waxaanu Garyaqaanku sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu Garyaqaanku sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

Hargays (HWN) Garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa sheegay in aanay Wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo Madaxda hay'addaha Dawladdu ee la magacaabaa aanay shaqayn Karin xafiiskana la wareegi Karin ilaa ay ogolaansho ka helaan golaa Wakiilada Somaliland.



Waxaanu Garyaqaanku sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

Wasiirada wasiir ku xigeenada iyo Madaxda ha,yadaha Dawladu ma shaqayn karaan xilka xafiiskana lama wareegi karaan ,ilaa ay ogolaansho ka helaan Golaha wakiilada, .Ogolaanshahaasina waxa uu noqon karaa mid lagu diido in la ansixiyo xubinta la soo magacaabaya ama la aqablo .Qodobka 94aad ee DJSL .


Golaha wakiiladu Ansixinta wasiirada iyo ku xigeenadooda waxay ku diidi karaan aqlabiyad fudud "Simple Majority" .


Waxa waajib dastuurku ka dhigaya in mudo 30 maalmood Gudahood ah lagu ansixiyo xubnaha la soo magacaabay dabadeed uu Gudoomiyaha maxakamada sare ku dhaariyo Madaxweynaha agtiisa hadii uu maqan yahayna madaxweyne ku xigeenka eeg hadaa maaha xafiiska Gudoomiyaha iyo Banaan cidlo ah .


Golaha wakiiladu Muxuu ku diidi karaa inuu Wasiir la soo magacaabay celiyo ama ansixintiisa diido waxa ka jawaabaya dastuurka macno ahaana waa in la eega in qofkan la soo magacaabay uu Buuxin karo ama Hanan karo jagada loo soo diray waxaana loo eegaya shuruudaha lagu soo doorto Mudane ka tirsan Golaha wakiilada eeg qodobka 94(5) ee DJSL iyo Qodobka 41aad ee DJSL.


Markaa hadii aanu buuxin shurudahaas xubinta la soo magacaabay waxa iska cad inaanu helayn ansixinta Golaha wakiilada,.


Falsafad ahaan waxa sidan looga dhigay waa dabaqaada Nidaamka dawladnimo ee somaliland qaadatay oo ah isku dheeli tirka Awoodaha dawladnimo "separation of power" iyo isu miisamida ku dhisan Hubinta "Check and balance principle" oo waxaad halkaas ka arkaysaa in sadexdii dhinac ba uu wada marayo qofka la soo magacaabay iyo in dadka laga hubiyo dhaqankiisa ,akhlaaqdiisa iyo kartidiisa qofeed inuu ummada ugu shaqayn karo iyo in kale .


Hadaba wasiir aan intaas oo talaabo la marin ma bilaabi karaa shaqada? sharciyan Go,aanada uu qaatana ma noqon karaan kuwo la dabaqi karo oo fulaya sharci ahaan?


Jawaabta oo kooban waa Maya "Hal xaraan ahi Nirig xalaal ah Ma dhasho".

Loading...
Loading...