Somaliya Oo Shaacisay Tirada Dadka Ugu Dhintay Covid-19 24saac Ee Ugu Dambeeyay

0
Friday September 10, 2021 - 17:20:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Shaacisay Tirada Dadka Ugu Dhintay Covid-19 24saac Ee Ugu Dambeeyay

    "159 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"159 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag"

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay.



Warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyey in xanuunka laga baaray 3,521 oo qof, waxaana laga helay 326 ka mid ah.


Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 86, Puntland 38 Somaliland 133 Jubbaland 29 Galmudug 26 iyo Koonfur Galbees oo laga diiwaan geliyey 14-kiis.


159 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 167 ay dumar yihiin, sidoo kale 128 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 21-qofna ay ugu geeriyoodeen.


Tirada Guud ee Laga Helay: 18,273 Bogsashada Guud: 8,926. Dhimashada Guud: 1,017 qof.

Loading...
Loading...