Maanta Cirro Iyo Waddani Wada Nahay Qore Mukhtar Cilmi

0
Thursday September 09, 2021 - 10:43:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Cirro Iyo Waddani Wada Nahay Qore Mukhtar Cilmi

    W/Q: Qore Mukhtar Cilimi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Qore Mukhtar Cilimi
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Saxaafada iyo shacabweynaha somaliland.


Ano in muda ka maqnaa warbaahinta aya jeclaysatay in maqaalkan qoro oo dhowr arimood ka hadlo,anagoo ka soo baxnay doorasho shacabku ku doortayn xildhibaano iyo ay u muujiyeen xisbiyo tageeradooda, waxaana yimaada wakhti khilaaf walba layska ilaabo oo danta laysku wada raaco,khilaaf iyo kala fogaasho guul ma dhaliso ee guuldari dhalisa, in gacmaha lays qabsado oo loo wada kaco guusha higsanayno aya haboon, waxaana cadenaya in guusha cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro 2022 doorashada madaxtooyada at tahay mida in laga shaqeyo guusheeda.



Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxay kasbadayn sumcad iyo siyaasadd ku dhisan cadaalad iyo sinaan wata keentay guushii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka , iyaadu somaliland siyaasadiidu ay marayso maxalad xun hadi noqoto xaga khilaafaadka haysata maamulkan maanta dalka kala daadiyay ee ah xukuumadda madaxweyne muuse biixi, waxaana gudoomiye Cirro kasbaday taageero balaadhan marku ka dhibto fikirkiisa waddaniyadu ku dheehantahay arimaha dalka haysta iyo mashaakilka ay xukuumaddan ku riday qadiyadda somaliland, waana Gudoomiyaha kaliya ee maanta xidhiidho fiican ku leh waddamada jaarka iyo beesha caalamaka una soo bandhiga siyaasadda dhabta ah ee somaliland marayso , iyo jaaliyaddaha dibadaba oo runti taageero baaxad leh siyay musharaxnimadda cabdiraxmaan cirro iyo xisbiga Waddani 2022, waana xisbiga ugu laamaha badan dibadda, Cabdiraxmaan waa siyaasi dulqaad leh, degan, karti leh, deeqsi ah iyo xikmad siyaasadeed saaxada ku wada.


Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani md. cirro kama suurtawdo inuu ku kaco talaabooyin lid ku ah geedi socodka dimuqraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya Geeska Africa, waa masuul ku abtirsada wadaniyadd ,horumar,maamul wanaag,aqoon, akhlaaq,sinaan , sifoyinkaas waa taa keenaty inuu gudoomiye Cirro ka dhex lahaado taageero buuxdda dhanka shacabweynaha, iyo aqoonyahanadda cilmiga la saaxiibka ah, iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn, ogsoona in Cabdiraxmaan yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara, cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag saldhig u yahay daacadnimo iyo hawlkar,jecelna inuu dalka ka saaro marxaladan ay marayso maanta iyadoo meel walba albaabka laga xidhay muse muuse biixi.


Diblomaasiyiinta reer Galbeedku ayay Cabdiraxmaan ku sifeeyaan nin macquula oo si miisaaman u hogaamin kara siyaasadda Somaliland marxaladda soo socota, Beesha Caalamku waxay dooneyaan siyaasi la jaan qaata xidhiidhka dawladdaha oo dublomaasi ah ,lana dhiso Xukuumadd mustaqbaleed uu hogaaminayo Masuul shacbiyad leh sida Cabdiraxmaan Cirro,aragtedaas waxay ku timi shacabiyadda weyn ee gudaha ee ku leeyahay cirro maadama ay dadku arkayn hogaamintiisa wanaagsan intuu u xilka barlamaanka hayay 2005 ila 2017, waa siyaasi isaago laba xil haya oo si wanaagsan u waday waana mid na tusaysa inuu yahay siyaasiga ay higsanayso Somaliland iyo bulshadeeduba .


waxan ku soo kahtimaya maqaalkaygan Cabdiraxman Cirro waa geesi hantay tageeradda shicibweynaha Somaliland, waa ninkaa leh fikir sidi u shacabka Somaliland u horumarin lahaa, waa ninkaa haddii illaahay nafta u daayo, Xilka Madaxweynaha Ka Soo bixi doona inshalaah 2022, waxaana bararojinaya shacabweynaha higaamyihiina dhabta ah taageeradiisa muujiya waano so dhawaaday wakhtiga isbedelku dhici lahaa inshalaah, codkiina ku badala marxaladdan ay manta marayso Somaliland, badbaadintona waxay ku jirta musharaxnimadda gudoomiye Cirro 2022 oo si wada jir ah isbedelkiisa raacno .

Qore Mukhtar Cilimi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...